Dadkii hore marka ay safarka badda ku jiraan waxa soo waajihi jiray dhibaatooyin badan sida badda oo kacsan, dabaylo , duufaano iyo roobaab mahiigaano ah oo jihada ka lumiya.
Wakhtigaasi dadku ma haysan maraakiibta iyo Doonayha mishiinka casriga ah leh, waxay ku safri jireen Doonyo shiraac leh oo dabaysha la sheqeeya. taariikhdaasi waxay dadku aaminsanayeen caadooyin kala duwan, waxaana marka ay iska xejin waayaan dabaysha ay naakhudayaashu iyo dadku aaminsanaan jireen inuu Mayd ku jiro sanduuqyada dadku wataan, oo khiyaamadaasi awgeed ay keentay ciqaabka.
Waxay baadhid ku bilaabi jireen alaabada, marka ay ka quustaan in qof soo saaro iyadoon la baadhin, haddii taasi laga waayo waxay odhan jiren waxa inaga mid ah qof habaaran oo baxsad ah sidaa awgeed waxa dadka lagu khasbi jiray inay loo qori tuur oo kii ay usoo baxdo badda lagu tuuro. Dhaqankan ayaa ah mid salka ku hayay caadooyinka ay aaminsan yihiin dadku marka ay u nool yihiin sida xoolaha iyo ugaadha, waayo kama faa’iidaystaan caqliga, waxaana ay adeegsadeen khurafaad iyo awood. Waxaana dhici jirtay iyadoo hal qof laga tuuray doonida in haddana inta kalena aanay badbaadi jirin dufaanka dhacaya awgeed, waxba kuma qaadan jirin. Aadamigu marka ay maskaxdiisu noqoto mid naafo ah dhibta uu geyasanyo ayaa ka badan waxtarakiisa.

























