Barnaamijkeena Kalluumeysiga ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, ahmiyada weyn ee wax-soo-saarka kalluunka uu u leeyahay dhaqaalaha iyo nolosha bulshada. Kalluunka waa il dhaqaale oo muhiim ah, wuxuuna abuuraa shaqooyin badan sida kalluumeysiga, farsamaynta, iyo suuqgeynta, taasoo kordhisa dakhliga dadka iyo kan qarankaba.
Sidoo kale, kalluunka wuxuu door weyn ka qaataa sugnaanta cuntada, maadaama uu yahay cunto nafaqo leh oo hodan ku ah borotiin, fiitamiino, iyo maadada Omega-3, taasoo faa’iido u leh caafimaadka jirka iyo maskaxda, kana hortagta xanuunno badan sida wadne xanuunka, macaanka, iyo kansarka.
Intaa waxaa dheer, kalluumeysigu wuxuu kobciyaa warshado kale sida kaydinta iyo qaboojinta, wuxuuna keenaa dhoofin iyo lacag qalaad oo xoojiya dhaqaalaha dalka. Guud ahaan, kalluunka wuxuu muhiim u yahay dhaqaalaha, caafimaadka, iyo horumarinta bulshada, isla markaana wuxuu yareeyaa cunto yaraanta iyo shaqo la’aanta.
Wax-soo-saarka kalluunka waa tiir muhiim ah oo ka mid ah horumarinta dhaqaalaha dal kasta, gaar ahaan waddamada leh bad iyo khayraad badeed. Kalluunku maaha oo kaliya cunto muhiim u ah bulshada, balse sidoo kale waa il dhaqaale oo weyn oo kor u qaada nolosha dadka iyo kobaca dalka.
Marka hore, kalluumeysigu wuxuu abuuraa fursado shaqo oo fara badan, dad badan ayaa ka shaqeeya kalluumeysiga, farsamaynta kalluunka, gaadiidka iyo suuqgeynta, taasi waxay yareysaa shaqo la’aanta waxayna kordhisaa dakhliga qoysaska.
Marka labaad, wax-soo-saarka kalluunka wuxuu kordhiyaa dakhliga qarankasta oo doonaya inuu horumar ka sameeyo xagga wax soo saaka kalluumeysiga. Dalalka leh kalluun badan waxay ka dhoofin karaan suuqyada caalamiga ah, taasoo keenta lacag qalaad (foreign currency).
Tani waxay xoojisaa dhaqaalaha dalka waxayna ka qayb qaadataa horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka. Sidoo kale, kalluunka wuxuu door weyn ka qaataa sugnaanta cuntada, waa cunto hodan ku ah borotiin iyo nafaqooyin muhiim ah, taasoo ka caawisa bulshada inay helaan cunto caafimaad leh oo jaban marka loo eego hilibka kale.
Intaa waxaa dheer, kalluumeysiga wuxuu dhiirrigeliyaa horumarinta warshadaha la xidhiidha, sida qaboojinta, kaydinta iyo warsnhadaha cuntada, waxaaney tani keentaa koboc dhaqaale oo ballaadhan oo ka baxsan kalluumeysiga laftiisa.
Kalluunku waa nooc ka mid ah kuwa ugu muhiimsan noolaha adduunka ee ay quutaan aadamuhu. Wuxuu leeyahay door weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, marka la eegayo dhinaca cunto ahaan, caafimaad ahaan, wershadeyn. Sidoo kale waxa il fududaysa in la heli shaqo abuur ay ka qayb qaadan karaan malaayiin qof oo adduunka ku kala nool.
Kalluunku wuxuu ka qayb qaataa inay hoos u dhacdo cunto yaraantu guud ahaan adduunka. Isticmaalka, kalluunku waxa uu leeyahay waxyaabo badan oo ka qayb qaata caafimaadka, nafaqo ahaan, deegaan ahaa iyo bulsho ahaan. Dhaqdhaqaaqa dhinac isticmaalka ee Kalluunku wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay cunto helida aadamaha.
Cunto ahaan hilibka kalluunku wuxuu aad uga wanaagsan yahay hilibka Digaaga iyo Adhiga, tusaale ahaan 65% nooc kasta oo kalluunka ka mid ah oo la isticmaalaa wuu ka wanaagsan marka la barbar dhigo noocyada hilibka ee digaaga iyo adhiga. Kalluunku wuxuu leeyahay nafaqo badan, taas oo leh dhadhan macaan, isla markaana waa il laga helo barotiin.
Kalluunku maaha cuntooyinka laga helo carbohydrate-ka, waxaanu u wanaagsan yahay dadka qaba xanuunka macaanka. Barotiinka kalluunku wuxuu u wanaagsan yahay hanaanka dheefshiidka caloosha, waanu isku dheeli-tiraa. Kalluunka waxa ku yar duxda aan ufiicnayn jidhka iyo subagga dhiigga raaca , sidoo kale wuxuu qani ku yahay fiitamiinada A, B iyo D, waxa kale oo uu leeyahay kaalshiyaam.
Kalluunka sida aynu kor kusoo xusnay waxa ku yar duxda halista ah iyo barotiinno badan, waxaanu caan ku yahay maadada Omega-3. Isticmaalka joogtada ah ee kalluunku waxay hoos u dhigtaa khatarta xanuunno badan oo halis ah kuwaasoo ay ka mid yihiin, Xiiqda, waxaaney carruurta la siiyo kalluunku ay inta badan ka badbaadaan halista xanuunka Xiiqda.
Kalluunku wuxuu qani ku yahay maadada Omega-3, taasoo ka qayb qaadan karta caafimaadka maskaxda iyo indhaha, heerka maskaxda carruurta ay hooyadood isticmaasho kalluunka xilliga ay uurka leedahay waxa la ogaaday in araggoodu ka fiican yahay carruurta aanay hooyadood isticmaalin kalluunka xilliga ay uurka ku sido.
Maadada Omega-3 ee ku jirta kalluunku waxay hoos u dhigtaa khatarta noocyo badan oo ka mid ah xanuunka Cancer-ka, tusaal ahaan noocyada ku dhaca cunaha, dhuunta iyo naasaha. Isticmaalka kalluunka ee todobaadkiiba hal mar waxay hoos udhigtaa xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo faaliga, waxaanu ku kor u qaadaa hanaan wanaagga wareegga, sidoo kale wuxuu hoos udhigaa dhiig karka.
Bulshada sida joogtada ah u cuna kalluunku waxa aan ku dhicin isku buuqa iyo werwerka nafsiyeed, taasoo ay inta badan keenaan jidhka qofka oo ay ku yaraato maadada Omega-3. Kalluunku wuxuu ka caawiya dadka qaba xanuunka macaanka inuu maareeyo heerka sonkorta dhiigga. Cunitaanka kalluunka ee xilliga uurku waxay hoos u dhigtaa inay hooyadu dhiciso ama ay dhasho ilme aan dhamaystirnayn.
Hilibka kalluunku waa mid ku suntan nafaqo, kalluunku 60-70% waa barotiin, 2-15% waa saliid, 10-20% waa macdan. Saliida Kalluunku waa laba nooc, waa mid jidhkiisa ku jirta iyo mid beerkiisa ku jirta, saliidda ku jirta jidhka kalluunka waxa loo yaqaanaa saliidda jidhka. Saliidda jidhka ee kalluunka ku jirta waxa loo isticmaalaa, waxyaabaha la warshadeeyo, ee cuntooyinka ama agabka ah.
Saliidda beerka kalluunka waxa loogu yeedhaa saliidda beerka kalluunka, sidaasi darted saliida beerka kalluunku waxa laga helaa dawooyin badan oo lagula tacaalo xanuuno badan oo halis ah. Kalluumaysiga iyo khayraadka baddu waa qayb libaax oo si toos ah iyo si dadbanba uga qayb qaadata fursadaha shaqo-abuurka ee malaayiin qof oo adduunka ku kala nool.
Sanadkii 2012-kii in ka badan 500 oo milyan oo qof ayaa si toos ah ugu tiirsanaa kalluumaysiga, kuwaasoo waqtiga kasta ka shaqeysta wax soo saarka kalluunka iyagoo qaar ka mid ahina ay u tahay shaqooyin ay waqtigooda qayb ka mid ah ka shaqeeyaan.
Nuxurka Fariinta Barnaamijkan.
Kalluunka waa laf-dhabarta dhaqaalaha iyo nolosha bulshada, wuxuu abuuraa shaqo, kordhiyaa dakhliga, xoojiyaa caafimaadka, isla markaana yareeyaa cunto yaraanta.























