Weeraryahanka Santos, Neymar, ayaa muujiyay murugo kaddib markii tababaraha xulka Brazil Carlo Ancelotti uu ka reebay liiska ciyaartoyda kulamada saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan France iyo Croatia bishan.
Ancelotti ayaa shaaciyay liiska xulka Isniintii, isagoo sharaxay in xiddigii hore ee Barcelona iyo Paris Saint-Germain aannu weli gaadhin 100% dhanka jir ahaan.
Neymar oo la hadlay warbaahinta intii uu ku sugnaa São Paulo ayaa yidhi:
“Waan murugooday, waan niyad jabay inaan la iigu yeerin xulka. Laakiin diiraddaydu waxay weli saaran tahay maalin kasta, tababar kasta iyo kulan kasta.”
“Waxaan gaadhi doonnaa hadafkeena. Weli waxaa jira hal liis oo kale oo la soo saari doono, riyaduna weli way nooshahay. Intaas ayaana jirta, dhammaanteen waan isku duubannahay.”




















