Hargeysa (Dawan) Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu baaqay dhammaan sariflayaasha ay ka dhacday ruqsadooda ganacsi inay si degdeg ah u cusboonaysiiyaan. Baanku wuxuu xusay in cusboonaysiinta ruqsaduhu ay muhiim u tahay habsami u socodka nidaamka maaliyadeed iyo ilaalinta kalsoonida macaamiisha.
Sariflayaasha ayaa lagu wargeliyay inay ku dhamaystiraan cusboonaysiinta ruqsadahooda muddo dhan 15 maalmood gudahood, taasi oo ka bilaabmaysa 01-ka Abriil kuna eg 15-ka Abriil 2026. Muddadan ayaa ah fursad kama dambays ah oo loogu talagalay in lagu xaqiijiyo u hoggaansanaanta shuruucda iyo xeerarka dalka.
Baanka Dhexe ayaa sidoo kale caddeeyay in cid kasta oo ku guuldarraysata inay muddadan ku cusboonaysiiso ruqsadeeda laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah, iyada oo la raacayo nidaamka iyo xeerarka u dejisan dalka.




















