Somaliland: “Tusaalaha Dhabta ah ee Dimuquraadiyadda iyo Dhismaha Qaran-nimada”

0
93

Qore Sacad Xaribi

Hargeysa (Dawan) Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale lagu amaanay inay tahay Jawharadda Nabadda Geeska Afrika, sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay Warbaahinta Horn Vision. Somaliland waxaa lagu tilmaamay jasiirad nabad ah oo ku dhex taal mandaqad colaado iyo xasillooni darro siyaasadeed ka jirto, taasoo u suuragelisay inay ilaaliso nidaamkeeda dowladeed, nabadda, iyo xasilloonida guud.

Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay in nabadda joogtada ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonayso iyo xasiloonida guud ee dalka ka jirtaa ay u saamaxday Somaliland inay horumariso nidaamkeeda siyaasadeed iyo hay’adaha dowliga ah, iyadoo nidaamkeeda nabadeed ee salka hoose ka yimid iyo dowladnimadeeda shaqaynaysa ay caddeeyeen in Somaliland leedahay nidaam siyaasadeed oo deggan.

Warbixinta warbaahinta Horn Vision. oo uu soo turjumay wargeyska Dawan, waxay sidoo kale tilmaamtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay tusaalaha dhabta ah ee dimuqraadiydda iyo dhismaha qarannimada, iyadoo hay’adaha dowladda iyo nidaamkeeda siyaasadeed ay yihiin hanti qaran oo lagu faano. Waxaa sidoo kale la xusay in ay jiraan dadaallo joogto ah oo lagu raadinayo aqoonsi caalami ah.

Warbixintu waxay sidoo kale caddeysay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka duwan tahay deriskeeda, islamarkaana ay noqotay tusaale ku dayasho mudan, gaar ahaan dimuqraadiyadda iyo maamulka. Waxaa lagu xusay in dalka uu xoogga saarayo doorashooyin iyo nidaam dimuqraadiyadeed oo hufan, wada noolaansho bulsho, iyo dhisme hay’ado dowladeed oo shaqeynaya.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay: “Marka la eego nidaamkeeda nabadeed ee salka hoose ka soo bilaabmay iyo dowladnimadeeda shaqaynaysa, waxaa laga fahmi karaa in Somaliland ay leedahay nidaam siyaasadeed oo deggan iyo hay’ado dowladeed oo si hufan u shaqeeya marka loo eego xaaladda gobolka.

Xukuumadda Somaliland waxay xoogga saartaa ilaalinta midnimada dalka iyo xasiloonida guud ee bulshada, taasoo muujinaysa jiritaanka dowlad leh awood maamul iyo ciidan. Sidoo kale, aqoonsigii Israa’iil ee 2025 ayaa Somaliland u ahaa guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah, taasoo muujineysa kartida dalka ee kasbashada taageero caalami ah iyo kor u qaadida sumcaddiisa.”