Somaliland “Dib-u-currashada Dekeda Berbera: Jawharada Ganacsiga Geeska Afrika”

0
85

Berbera iyo DP World: “Iskaashiga Bedelaya Khariidada Gobolka”

 “Mashruuca Dekedda Berbera waa mid qaran dhis ah oo dib-u-qaabaynaya Gobolka”

 Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta caalamiga ah ee East Vibe ayaa lagu soo bandhigay dib-u-curashada Dekedda Berbera iyo kaalinteeda cusub ee Geeska Afrika. Warbixinta ayaa si qoto dheer u falanqaysay isbeddellada dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ka socda Dekedda Berbera iyo guud ahaan Gobolka, iyadoo si cad u muujisay in Berbera ay noqonay mishiinka isbeddelka ee Geeska Afrika, isla markaana ay ka dhalatay isku darka muhiimadda juqraafi, iskaashiga amni iyo ganacsi ee sii xoogeysanaya.

Warbixinta ayaa si gaar ah u iftiimisay muhiimadda Dekedda Berbera, oo ku taalla xeebaha Somaliland oo ku dhereran Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isla markaana loo arko marin istiraatiiji ah oo caalami ah. Waxaa lagu tilmaamay jawharad qarsoon oo hadda si tartiib ah uga dhex muuqanaysa tartanka dekedaha waaweyn ee dunida sida Dubai iyo Singapore. Ujeeddada warbixintan ayaa ahayd in la muujiyo sida Berbera ay u noqotay xarun istaraatiiji ah iyo halbowle isku xidha ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Warbixinta, oo Wargeyska Dawan soo xigtay, waxay sheegtay in Berbera ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo ku dhow Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ka mid ah waddooyinka maraakiibta ugu mashquulka badan dunida. Waxaa si gaar ah loo xusay xidhiidhka JSL ay la leedahay Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika balse aan lahayn marin badeed. Iyada oo xustay “Itoobiya ayaa muddo dheer ku tiirsaneyd Dekedda Jabuuti, hase yeeshee Berbera ayaa hadda loo arkaa beddel ka dhakhso badan, ka ammaan badan, una dhow suuqyada muhiimka ah, taasoo siin karta Itoobiya fursad istiraatiiji iyo mid dhaqaale oo ballaadhan.”

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Dekedda Berbera ay soo jiidatay maalgashi caalami ah iyo iskaashi muhiim ah. Sida ay sheegtay warbixintu saddex dhinac ayaa lagu tilmaamay inay udub-dhexaad u yihiin horumarka iyo guusha dekedda: “Somaliland waxay u aragtaa dekedda fursad ay ku muujiso isku-filnaansho dhaqaale iyo waddo ay ku gaadho aqoonsi caalami ah. Halka Itoobiya ay u aragto Berbera marin badbaado leh oo ka saari kartaku-tiirsanaanta iyo keligiis-talisnimada dekedda Jabuuti.

Sidoo kale DP World oo ah shirkad caalami ah oo fadhigeedu yahay Dubai, ayaa keentay maalgelin iyo khibrad casri ah oo horumarineed. Iskaashigan saddex-geesoodka ah ayaa abuuray nidaam ganacsi oo isku xidhan (ecosystem), kaas oo sare u qaadaya awoodda Dekedda Berbera ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.”

Sida ay sheegtay warbixintu, Dekedda Berbera ayaa loo arkaa mashruuc istiraatiiji ah oo ka weyn dhisme dekedeed, isla markaana ah mid dhisaya mustaqbal dhaqaale iyo qaranimo. “Berbera maaha mashruuc dhisme oo kaliya, balse waa mashruuc dhisaya qaran. Guusha dekedda laguma cabbiri doono kaliya dhismayaasha casriga ah, balse waxaa lagu cabbiri doonaa shaqooyinka ay abuurto iyo saamaynta ay ku yeelato nolosha malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika. Waana iftiin istiraatiiji ah oo noqon kara xuddunta mustaqbalka ganacsiga Afrika, taasoo xasuusinaysa caalamka in meelaha la iska indha-tiro ay mararka qaar noqon karaan kuwa ugu saameynta badan dunida.”