Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Isbeddelka muuqda ee ku yimid istaraatiijiyadda dhoofinta shidaalka ee Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa loo arkaa fursad istaraatiiji ah oo u soo ifbaxday Somaliland, taas oo si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka, kadib markii Sucuudigu si isa soo taraysa ugu leexday isticmaalka marin biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana uu hoos u dhigay ku-tiirsanaanta marinka halista badan ee Strait of Hormuz.
Sida ay sheegeen warbaahin caalami ah oo ay ka mid yihiin Analytical Today, Addis Standard, iyo AfriNews 24, tallaabadan cusub ayaa timid xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni iyo xiisadaha ka taagan Khaliijka, kuwaas oo khatar gelin kara marinnada istaraatiijiga ah ee dhaqaalaha adduunka. Marinka Hormuz, oo muddo dheer ahaa halbawlaha dhoofinta shidaalka caalamka, ayaa hadda loo arkaa meel nugul oo si toos ah u saameyn karta xasilloonida sahayda tamarta.
Warbixinaha ayaa tilmaamaya in Sucuudigu dhoofiyo qiyaastii 7 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii, iyada oo hadda qayb muhiim ah oo ka mid ah shixnadahaasi shidaalka loo soo wareejinayo dhinaca Badda Cas, gaar ahaan Dekedda Berbera. Iyda oo Hay’adda Dekedaha Sucuudiga (Mawani) ay bilowday adeegyo cusub oo maraakiib ah kuwaas oo si toos ah u xidhiidhinaya dekedaha Sucuudiga iyo Dekedda Berbera, taas oo qayb ka ah shabakad ka kooban 17 dekedood oo caalamkaba ah.
Warbaahinta caalamka ayaa si weyn uga faalloonaysa isbeddelkan istaraatiijiyadeed, iyagoo tilmaamaya in uu si toos ah u muujinayo doorka sii kordhaya ee Dekedda Berbera, oo ku taalla goob istaraatiiji ah oo dhacda marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab Al Mandab, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxaa la sheegay in Dekedda Berbera ay si tartiib tartiib ah u noqonayso xarun muhiim u ah kaydinta iyo kala wareejinta shidaalka, isla markaana isku xidha ganacsiga Afrika iyo Bariga Dhexe, taas oo sii kordhinaysa xiisaha maalgashi ee caalamiga ah.
Somaliland ayaa si muuqata uga faa’iidaysan karta isbeddelkan cusub, iyadoo juqraafi ahaan ku taalla goob muhiim u ah isu socodka ganacsiga iyo tamarta. Faa’iidooyinka ugu waaweyn ee isbeddeladani ay leeyihiin Somaliland waxaa ka mid ah: Korodhka dakhliga dekedaha, Abuurista shaqooyin cusub, Soo jiidashada maalgashi shisheeye iyo Kordhinta miisaanka siyaasadeed ee gobolka.





















