Wasaaradda Maaliyada JSL oo Xoojinaysa Awoodda Hantidhawrka Gudaha

0
78

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo awoodda waaxda hantidhawrka gudaha (Internal Audit), taas oo ah arrin muhiim u ah hannaanka maamul wanaagga iyo ilaalinta hantida qaranka. Sidoo kale, waa mid ka mdi ah tiirarka ugu waaweyn ee lagu adkeeyo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta hay’adaha dowladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland, Maxamed Xasan, ayaa si cad u muujiyey muhiimadda Waaxda Baadhista Gudaha (Hantidhawrka), isaga oo ku tilmaamay inay tahay muraayadda iyo laf-dhabarta ay Wasaaraddu ku samayso is-qiimayn joogto ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in waaxdani tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu joogteeyo maamul wanaagga, maadaama ay ka tarjumayso aragti maamul oo ku dhisan daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo is-saxid joogto ah.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in Waaxda Baadhista Gudaha ee wasaaradda Maaliyaddu ay tahay muraayadda ay Wasaaraddu isku eegto, si loo ogaado waxa saxda ah iyo meelaha u baahan sixidda. Waxa uu tilmaamay in talooyinka iyo warbixinnada ka soo baxa waaxdani ay door weyn ka qaataan jihaynta, hagaajinta iyo horumarinta shaqada Wasaaradda.

Go’aanka istaraatiijiga ah ee Wasaaradda iyo hadalka Agaasimaha Guud labaduba waxay si toos ah u taabanayaan tayada maamul wanaagga iyo ilaalinta hantida qaranka. In hay’ad dowladeed si cad u aqoonsato muhiimadda is-qiimaynta joogtada ah waa astaan muujinaysa bisayl maamul iyo aragti hoggaamineed oo qoto dheer, isla markaana muujinaysa rabitaan dhab ah oo lagu hagaajinayo waxqabadka iyo shaqada hay’adda.

Waaxda Baadhista Gudaha, marka si hufan loo xoojiyo, waxay noqotaa aalad awood leh oo lagu ogaado waxyaabaha saxda ah iyo meelaha u baahan sixidda. Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland, Muda ne Maxamed Xasan, warbixinnada iyo talooyinka ka soo baxa waaxdani waxay door weyn ka ciyaaraan jihaynta, hagaajinta iyo horumarinta shaqada Wasaaradda. Tani waxay muujinaysaa in go’aan-qaadashada Wasaaraddu ay ku dhisan tahay xog sax ah iyo qiimayn dhab ah.

Gebagebadii, dadaalkan ay wado Wasaaradda Maaliyaddu waa horumar ifaya oo muujinaya jihada saxda ah ee loo marayo maamul hufan. Sidoo kale aragtida wasaaradda ee lagu xoojinayo Waaxda Baadhista Gudaha, waa tusaale lagu daydo oo mudan in ay qaataan hay’adaha kale ee dowladdu, isla markaana horseedaya horumar dhaqaale iyo kalsooni bulsho oo waarta.