Hargeysa (Dawan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay sannadkii tagay ee 2025 ay si weyn u xoojisay adeegyada asaasiga ah ee nolosha bulshada Somaliland, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, korontada (laydhka), daryeelka bulshada nugul, iyo horumarinta dhalinyarada. Iyada oo laga duulayo barnaamijyada horumarineed ee xukuumadda wadajir iyo waxqabad si bulshada loo gaadhsiiyo adeegyo tayo leh, la heli karo lana awoodi karo.
Adeegyada Caafimaadka
Xukuumadda wadajir iyo waxqabad waxay xoogga saartay tayeynta iyo ballaadhinta adeegyada caafimaadka: Iyada oo la duulayo kordhinta tayada iyo baaxadda adeegyada caafimaadka dalka waxaa qalab iyo dawooyin la gaadhsiiyey 142 xarumood oo ka mid ah xarumaha caafimaadka iyo cisbitaallada dalka. Waxaa tababarro la siiyey 2,546 shaqaale caafimaad ah (dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo xirfadlayaal kale).
Waxaa la bilaabay dhismaha Cisbitaalka Qaran oo leh takhasusaad kala duwan oo ay Somaliland ka caawinayso dawladda Taiwan. Sido kale waxaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer laga hirgelinayaa cisbitaal casri ah oo ay Somaliland ka taageerayso Dowladda Imaaraadka Carabta.
Horumarinta Waxbarashada
Xukuumadda JSL oo ka duulaysa aragtida ku dhisan in waxbarashadu ay tahay raasamaalka ugu saamaynta badan ee la geliyo dhallinyaradda waxay mudnaan gaar ah siisay horumarinta waxbarashada. Waxaa la dhisay 36 dugsi oo isugu jira hoose/dhexe, sare iyo barbaarinta ubadka, boqol iyo labaatan (120) fasalna waxaa lagu kordhiyey dugsiyo kala duwan oo ardayda cidhiidhi ku noqday.
Dhinaca tayada, Waxa dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey manhajyada waxbarasho ee dugsiyada hoose/dhexe, manhajka tababarka macalimiinta, manhajka waxbarashada maxaabista iyo manhajka dugsiyada farsamada gacanta
In ka badan 2,000 qof oo isugu jira macallimiin, kormeerayaal iyo maamulayaal ayaa loo furay waxbarasho sare, aqoon-korodhsi iyo tababaro, kuwaas oo 600 ka mid ahi ay dumar yihiin. Sidoo kale, waxaa la shaqaalaysiiyey 106 macallin oo dumar ah. Xukuumaddu waxay sheegtay inay ka go’an tahay dhismaha nidaam waxbarasho oo awood u leh diyaarinta jiilka mustaqbalka.
Horumarinta Adeegyada Biyaha
Sidoo kale, xukuumaddu waxa ay Sannadkii 2025kii, shaqooyin fiican ka qabatay kaabayaasha aasaasiga ah ee saamaynta tooska ah ku leh nolol maalmeedka muwaadiniinta. gaar ahaan horurmarinta adeegyada biyaha iyada oo dadaal badan la geliyay helitaanka biyo nadiif ah oo la awoodi karo: Waxaa la qoday ama la dayactiray 72 ceelbiyood. Waxaa la sameeyey 16 balli oo lagu kaydiyo biyaha roobka. Magaalada Boorama waxaa lagu dhimay qiimaha biyaha 24%. Sidoo kale waxaa la dhiirrigeliyey maalgashiga biyaha (PPP).
Horumarinta Korontada (Laydhka)
Xukuumadda Somaliland oo hirgelinaysa qorshaheeda horumarineed ee yaraynta kharashaadka nolosha iyo kor u qaadista adeegyada tamarta, waxay hirgelisay barnaamij lagu dhimayo qiimaha korontada iyo kordhinta tamarta nadiifta ah: Qiimaha korontada ee Berbera waxaa laga dhigay $0.20 per kW. Dhammaan magaalooyinka kale ee dalka ayaa lagu sameeyey qiime-dhimis dhan 19%. Sidoo kale korontada qorraxda (solar) ayaa la kordhiyey 24%. 46 xarumood caafimaad iyo 57 dugsi ayaa loo rakibayaa solar power.
Daryeelka Bulshada Nugul
Xukuumadda iyada oo ka duulaysa qorshaheeda la xidhiidha yaraynta saboolnimada iyo xoojinta nolosha qoysaska nugul, waxay si gaar ah u taageertay qoysaska danyarta ah iyo qaybaha bulshada ee nugul. 101 qoys oo dhan yar ah ayaa loo dhisay guryo. 200 qoys oo barakacayaal ah ayaa la siiyey dhul. Sidoo kale 400 qoys oo danyar ah ayaa la siiyey taageero dhaqaale oo toos ah si ay ugu bilaabaan ganacsi.
Horumarinta Dhalinyarada
Xukuumadda waxqabad iyo wadajir oo ka duulaysa kobcinta awoodda dhalinyarada Somaliland waxaa la dhisay 7 garoon oo si buuxda oo casri ah u diyaarsan, waxaana la abuuray fursado ciyaareed oo heer caalami ah, iyada oo dhalinyaro kala duwan loo diray ka qaybgalka munaasabado ciyaareed oo caalami ah, taas oo ahayd fursad ay ku soo korodhsadeen waayo-aragnimo ciyaareed oo kor u qaadaysa ciyaaraha dalka.
Gunaanad
Adeegyada bulshada ee la xoojiyey 2025 waxay si toos ah u taabanayaan nolosha muwaadiniinta, iyagoo diiradda saaraya: horumarinta Caafimaadka dalka iyo adeegyo tayo leh; Horumarinta Waxbarashada; Biyo nadiif ah oo la heli karo; Koronto jaban oo la isku halayn karo; Taageerada bulshadda danyarta ah iyo dhiirigelinta dhalinyarada. Tani waxay muujinaysaa in xukuumaddu ay mudnaanta siinayso kor u qaadista nolosha muwaadiniinta iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.





















