Xukuumadda Somaliland oo Xoojisay Wax-Soo-Saarka iyo Dhoofinta Kalluunka

0
81

 

Hargeysa (Dawan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dadaal muuqda gelisay horumarinta ganacsiga kalluunka iyo dhiirrigelinta wax-soo-saarkiisa. Dadaalladan waxa ay salka ku hayaan qorsheyaal lagu xoojinayo ka faa’iidaysiga khayraadka hodanka ah ee ku jira badda Somaliland. Xukuumaddu waxa ay si weyn uga shaqeysay in kalluumaysatadu helaan fursado ay si wax ku ool ah uga faa’iidaystaan khayraadkaas, iyada oo la horumarinayo aqoontooda, qalabayntooda, iyo suuq-geynta wax-soo-saarka kalluunka. Tallaabadani waxay qayb muhiim ah ka tahay istiraatiijiyadda guud ee lagu xoojinayo dhaqaalaha qaranka, laguna abuurayo fursado shaqo oo joogto ah.

Dedaalladan oo ay hormood u yihiin masuuliyiinta wasaradda Kalluumaysiga Somaliland, xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad waxay hirgelisay sannadkii 2025 barnaamijyo horumarineed oo muhiim ah, kuwaas oo lagu taageerayo laguna xoojinayo awoodda kalluumaysatada dalka. Barnaamijyadaas waxaa ka mid ah tababarro casri ah oo la siiyey 200 kalluumaysato ah, kuwaas oo la xidhiidha farsamooyinka casriga ah ee kalluumaysiga, hababka badbaadada badda, iyo nidaamyada kaydinta kalluunka. Sidoo kale, 600 kalluumaysato ayaa la gaadhsiiyey qalab kalluumaysi oo casri ah iyo tallaagado lagu kaydiyo kalluunka, si kor loogu qaado tayada wax-soo-saarka iyo yareynta khasaaraha.

Sida uu ku sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), khudbaddiisii dastuuriga ahayd, sannadkii 2025 waxaa si weyn u kordhay dhoofinta iyo wax-soo-saarka khayraadka kalluunka Somaliland. Tani waxay caddayn u tahay in taageerada ay bixisay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay si muuqata uga caawisay kalluumaysatada inay kordhiyaan wax-soo-saarkooda, isla markaana ay gaadhaan suuqyo waaweyn oo gudaha iyo dibaddaba ah. Dadaalladan isdaba-joogga ah ee xukuumaddu qaaday ayaa horseeday koboc wax-soo-saar oo la taaban karo, kaas oo sare u qaadaya sumcadda iyo awoodda dhaqaale ee Somaliland.