Qore Sacad Xarbi
Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa mar kale iftiimiyay rajo siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed kadib markii uu shaaca ka qaaday in maalmaha iyo toddobaadyada soo socda ay dalal kale oo ka tirsan beesha caalamka si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Hadalkan oo uu ka jeediyey munaasibad lagu soo bandhigayey buug ka hadlaya halganka dheer ee aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan dadaallada Somaliland ee ku aaddan kasbashada aqoonsi buuxa.
Hadalka Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu soo bandhigay xog diblomaasiyadeed oo ka turjumaysa rwjo ku salaysan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo dadaallo qarsoodi ah oo ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waddo. “Waxaan idiin ku bushaaraynayaa in maalmaha soo socda iyo toddobaadyada soo socda ay ictiraafka Somaliland dalal kale ku dhawaaqi doonaan.” Weedhan waxa ay muujinaysaa kalsooni buuxda, taas oo tilmaamaysa in arrinta aqoonsiga Somaliland ay marayso heer go’aan qaadasho oo muhiim ah.
Sidoo kale, haddalkan muhiimka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu abuurayaa rejo cusub oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, iyadoo ay muuqato in dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ay ku socdaan heer go’aan qaadasho. Isla markaana beesha caalamku garwaaqsatay xaqiiqada Somaliland oo tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda ku naaloonaysay hannaan dawladood oo ku dhisan dimuquraadiyad iyo maamul wanaag.
Tan iyo 1991, Somaliland waxay hirgelisay nidaam dimuqraadi ah oo ammaan iyo xasillooni leh, iyada oo qabatay qabatay doorashooyin isdaba joog ah. Sidoo kale Somaliland waxay ku guulaysatay dadaalladeeda diblumaasiyadeed ee la xidhiidha aqoonsi raadinta kuwaas oo ay ka mid yihiin xidhiidho joogto ah oo lala yeeshay dalal iyo ururro caalami ah, xafiisyo diblomaasiyadeed oo ku yaalla dalal kala duwan, iyo ka qaybgalka shirar caalami ah. Sidaa darteed hadalkani wuxuu xoojinayaa rajooyinka bulshada iyo xukuumadda Somaliland ee ku aaddan mustaqbalkooda caalami ah.





















