- Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba kaalmee adiga oo jecel in aad caawisid.
- Ha rumaysan wax kasta oo aad maqashid! Ha wada isticmaalin waxa aad haysato ee badh kaydso. Hana seexan hurdo badan oo dantaada ka lumisa.
- Dadka meel ha kaga dhicin oo ha aflagaadayn.
- Hadii uu qof ku waydiiyo su’aal aanad rabin, u ilka cadee oo waydii: Maxaad u doonaysaa in aad arintaa ogaatid?
- Isfahmid la’aan yari yay kaa dumin saaxiibtinimo wayn.
- Xusuusnow in ay aamusnaantu tahay , mararka qaankood jawaabta ugu wanaagsan.
- Aamin dadka, laakiin albaabka gurigaaga xidho.
- Wixii aad ogtahay ee faa’iido leh u sheeg dadka kale ha kula qaybsadaane. Taasina waxa ay kaa dhigaysaa in aad noqoto qof weligii la xusuusto oo dad badani bartaan.
- Waligaa ha goynin xidhiidhka qof ku tusaya wanaag.






















