Waxaa laga soo xigtay Cuqbah bin Caamir, Ilaahay ha ka raalli noqdee, inuu Nebiga(SCW) weydiiyey oo ku yidhi: “Rasuulkii Ilaahayow, Maxaa lagu badbaadayaa?” Nebigu waxa uu ugu jawaabay: “Carrabkaaga ilaali, gurigaaga ku eekow, oo ka Oy dunuubtaadii hore.” Waxaa wariyey Tirmidi, waana xadiis Xasan ah.
Asxaabtu (Ilaahay ha ka raalli noqdee) aad bay u xiisaynayeen badbaadada adduun iyo aakhiro. Waxay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) waydiin jireen siyaabaha lagu badbaado iyo guusha nolosha adduun iyo aakhiro. Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu ku hanuunin jiray ama wuxuu tusin jiray jidka wanaagga iyo badbaadada.
Xadiiska, Cuqbah ibn Caamir (Ilaahay ha ka raalli noqdee) wuxuu ku leeyahay: “Waxaan ku idhi, ‘Rasuulkii Ilaahayow, maxa lagu badbaadayaa? oo macneheedu yahay, waa maxay siyaabaha lagu badbaado iyo guusha adduun iyo aakhiro, sideese ku gaadhi karaa oo aan isku badbaadin karaa naftayda? Nebigu isaga oo ka jawaabaya waxa uu yidhi: “Ugu horayn carrabkaaga qabo,” oo macneheedu yahay carrabkaaga xakamee, dib u celi, oo ka ilaali inuu wax xun sheego, oo aanu hadlin marka laga reebo wanaag. Ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi: {Hadal kuma hadashaan ama eray ma tuurtaan,waxa agtaada jooga mid ilaalinaya, oo diyaar u ah inuu duubo.} [Qaf: 18], Tani waxay sabab u tahay khatarta carrabka. Sahih al-Bukhaari wuxuu ku leeyahay: “Qofku wuxuu ku hadli karaa erey aan Ilaahay raalli ka ahayn, isaga oo aan wax ka fikirin, waxayna ku keeni doontaa inuu ku dhaco Jahannamo.”.
“Gurigaaga ha ahaado mid kugu filan,” taas oo la macno ah: gurigaagu ha ahaado mid ku filan, oo gurigaaga joog oo naftaada ku mashquuli addeecidda Ilaaha Qaadirka ah, oo iska ilaali meelo iyo waxyaabo denbi kuu soo jiidaya. Waxaa sidoo kale la yidhi waxay la macno tahay: ku qanac waxa Ilaahay kuu qoondeeyay xaaskaaga, carruurta, masruufka, hoyga, iyo hantida kale ee adduunyada, oo fiiri kuwa kaa hooseeya arrimaha adduunyada, si aadan u quudhsan nimcooyinka Ilaahay kugu leeyahay, xagga diintana fiiri kuwa kaa sareeya,sidaa ayaa kuu ammaan badan.
“Oo ka ooy dembigaaga,” taas oo la macno ah: ka qoomamayso dembiyada aad gashay, oo aad ooydo ilmo dhab ah. Xaqiiji toobad keenkaaga oo dib ugu noqo Ilaah, ka dibna naftaada u hur dib u hagaajinta iyo hagaajinta dabeecaddaada.
Faa’iidooyinka xadiiska:
- Asxaabtu, Ilaahay ha ka raalli noqdee, waxay aad u xiisayn jireen inay ogaadaan siyaabaha badbaadada.
- Xadiisku wuxuu bayaaminayaa sababaha badbaadada adduun iyo aakhiro.
- Wuxuu inagu dhiirigelinayaa in qofku uu ku mashquulo wixii faa’iido u ah.
- Wuxuu xoogga saarayaa siyaabaha laysku ilaalin karo iyada oo wakhtigani uu yahay wakhti fidno.
Ciqaabaadka qofka Salaada ka taga?
Waxa hubaal ah in Salaad tahay Madax Acmaasha, waxaana la inoo sheegay in qofka waxa ugu horeeya ee marka uu Ilaahay hor tago laga xisaabinayaa ay Salaada. Hadii Salaadiisu hagaagto wax kale oo dhana way hagaagayaan, laakiin hadii Salaadiisu xumaato camalka kalena wuu xumaanayaa. Bal ka warama qofkii aan Salaadba la iman aan tukan jirin.
Salaadu waa hogaanka ama xidhiidhka u dhexeeya Adoonka iyo Ilaahay, sidaa awgeed haduu la iman waayo xidhiidhba ma jiro. “Salaadu qofka waxay u tahay mid u taagan oo u wakhtiyeysan” Ilaahay ayaa sidaa yidhi.
Marka ay naarta galaan ehelu naarku, waxa keliya eek u cabanayaan, waa Salaad la’aan, waayo Ehelu Jannuhu ehelu naarka ayey weydiinayaa oo ku odhanayaan “Maxaa Naarta udun geliyey?, waxay ku jawaabayaan, “Maanaan ahayn kuwo tukada”. Qofka Salaada ka tagaa eek u dhinta Salaad la’aan Akhiro Naarta ayuu geleyaa, Ilaahay oo cafiya mooyee, adduunyada inta uu joogana waxa uu la kulmayaa ciqaabo, sida oo marka uu dhimanayana waxa uu la kulmaa ciqaabo, hadii aanu qofku camal falina, ciqaabtu Qabriga ayey ugu bilaantaa.
Bal aynu eego Dadka Salaada ka taga ciqaabaha u yaal: qaar inta uu adduunyada joogo ayaa lagu ciqaabayaa, qaarna marka uu dhimanayo, qaarna marka uu Qabriga galo, qaarna waa marka la soo saaro maalinta Qiyaame:
Ciqaabka Adduunyada:
1- Barkada ayaa laga siiba cimrigiisa.
2-Caalamadaha Saalixiinta ayaa wejigiisa laga saarayaa oo madow ayaa fuulaya.
3- Ajar ku ma leh camal kasta oo uu sameeyo.
4- Ducadiisa lama rafciyo ama Samada ma tagto.
5-Ducooyinka Saalixiinta waxba kuma leh.
6-Naftiisu Iimaan la’aan bay ka baxdaa.
Ciqaabta marka uu dhimanayo:
1-Wuxuu dhintaa isaga oo dulleysan
2-Wuu dhimanayaa isaga oo gaajoonaya.
3- isaga oo haraadan ayuu dhimanayaa, xitaa haduu biyaha adduunka oo dhan cabo.
Ciqaabaha inta uu qabriga ku jiro.
1 -Ilaahay qabriga ayuu ku cidhiidhiyaa ilaa ay feedhuhu isdhaafaan.
2-Naar ayaa lagu shidayaa oo dhinbiilo naar ah ayaa gogol looga dhigayaa.
3- Waxa loo soo dirayaa mas lagu magacaabo Geesiga Galaalan, kaas oo ku haleelaya subaxa ilaa duhurkii, waa salaadihii uu dayacay. Markuu micida ku dhufto wuxuu dhulka hoos u gelayaa 70 dhudhun.
Ciqaabta Maalinta Qiyaame:
1- Wejigiisa diirka ayaa laga siibayaa
2-Ilaahay wuxuu ku eegayaa cadho.
3-Waxa la xisaabinayaa Xisaab adag, waxaana la amrayaa in Naarta lagu tuuro, meel la degona Naarta ayaa ugu xun.





















