Halyeeyga Barcelona, Xavi Hernandez, ayaa noqday mid ka mid ah musharixiinta ay Chelsea u tixgelinayso xilka tababarenimo.
Chelsea ayaa ku jirta “waqti is-milicsi ah” kadib markii ay ceyrisay Liam Rosenior, iyadoo xilli ciyaareed liita uu kooxda ku habsaday, balse waxay doonayaan in tababaraha cusub la magacaabo kahor pre-season-ka.
Liiska musharixiinta waxaa sidoo kale ku jira Xabi Alonso, tababaraha FC Porto Francesco Farioli, iyo Cesc Fabregas oo ka tirsan Como, inkastoo Fabregas aan la filayn inuu ka tago Italy xagaagan.
Alonso ayaa wada-hadallo la yeeshay Chelsea, balse wuxuu dalbaday awood dheeri ah oo ku saabsan go’aamada kubadda cagta, taasoo ka dhigaysa heshiiska mid adag maadaama qaab-dhismeedka kooxda uu yahay mid heerar badan leh.
Andoni Iraola ayaa sidoo kale la jecel yahay, balse qaab ciyaareedkiisa ayaa la sheegay inuu ka duwan yahay falsafadda ay Chelsea raadineyso.
Arrimahan ayaa sare u qaaday fursadda Xavi, oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Barcelona 2024, isagoo xilligaas ku guuleystay La Liga hal mar.
Chelsea ayaa hadda ceyrisay tababarihii shanaad tan iyo markii Todd Boehly uu la wareegay kooxda 2022, iyadoo tababaraha ku-meelgaarka ah Calum McFarlane uu sii hayn doono kooxda ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.






















