Kobcinta Dhaqaalaha Dalka: Xoojinta Aqoonta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha JSL

0
33

Hargeysa (Dawan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa si cad u muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda iyo aqoonta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha. Tallaabadan ay qaaday wasaaraddu ayaa ah mid ka tarjumaysa aragti fog oo ku wajahan horumarinta nidaamka uruurinta dakhliga qaranka, taasoo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.

Mudane Maxamed Xasan Saleebaan waxa uu si xeel dheer u sharaxay baahida loo qabo ciidamo aqoon iyo karti ku qalabaysan oo leh tababar fiican, isla markaana si buuxda u fahmaya shaqada ay qarankooda u hayaan iyo mas’uuliyadda ka saaran uruurinta cashuuraha. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in kor u qaadista aqoonta ciidanku ay tahay arrin aan la dafiri karin, maadaama ay tiir-dhexaad ilaalinta cashuuraha iyo dakhliga qaranka.

Agaasimaha Guud ayaa oo ka hadlayay muhiimadda ay arrintani u leedahay xoojinta iyo kobcinta dhaqaalah qaranka ayaa yidhi: “Waxaynu u baahanahay Ciidanka Ilaalada oo ku filan cashuur uruurinta oo hadday tahay cashuurta shaqaalaha iyo hadday ta macaashka tahay ba, isla markaana garanaya wixii ay ka shaqeynayeen, iyo sidii loo qaadayey ba.”

Hadalkan agaasimaha guud waxa uu si toos ah u dhiirrigelinayaa in la sameeyo qorshe cad oo lagu xoojinayo xirfadaha iyo fahamka shaqo ee ciidanka, si ay u noqdaan kuwo si hufan gacan uga geysta horumarinta dakhliga qaranka. Tani waa tallaabo istaraatijiyadeed oo muujinaysa in Wasaaradda Maaliyaddu ay si dhab ah uga go’an tahay in ay xoojiso maamulka dakhliga, isla markaana ay kor u qaaddo kalsoonida bulshada ee nidaamka cashuuraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, sidoo kale waxa uu iftiimiyay saamaynta ka dhalan karta haddii aan la xoojin ciidanka ilaalada cashuuraha Somaliland waxaanu yidhi “Marka waxaynu u baahanahay in Ciidanka aqoontooda la koriyo, haddii kale waynu kala hadhaynaa; maadaama oo ay ciidanku laf-dhabar u yihiin ilaalinta cashuurta, qaadisteeda, iyo daba-galkeeda ba.” Agaasimaha Guud ayaa ugu dambayn muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan in dadaallada la wado ay midho dhal noqon doonaan, isaga oo intaas ku daray: “Waxaan rajeynayaa in aad idinkuna ka faa’iidaysan doontaan tababarkan aqoontiina lagu xoojinayo.”

Guntii iyo gabagabadii falanqayntan Wargeyska Dawan waxay ku bogaadineysaa Agaasimaha guud Mudane Maxamed Xasan Saleebaan iyo guud ahaan Wasaaradda Maaliyadda dadaalkooda muuqda ee lagu horumarinayo nidaamka uruurinta cashuuraha, kobcinta iyo horumarinta dakhliga qaranka Somaliland iyo qorshayaasha qaran ee ka tarjumaya horumarinta dhaqaalaha dalka ah