“Somaliland oo Noqonatay Xudunta Isbeddeladda Siyaasadda Afrika!”

0
107

Hargeysa (Dawan) Kanaalka Horn Vision ayaa falanqayn qoto dheer ku muujiyay sababaha ay Somaliland u noqotay xudunta cusub ee isbeddelka siyaasadda iyo loolanka juqraafiyeed ee Afrika. Warbixintan oo uu soo xigtay Wargeyska DAWAN, waxay si cad u muujinaysaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka gudubtay duruufihii diblumaasiyadeed ee hore u jiray, isla markaana ay si xawli ah ugu soo baxayso mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan uguna istaraatiijisan Geeska Afrika.

Warbixintan cusub waxay sidoo kale iftiiminaysaa sida Somaliland ay uga faa’iidaysanayso booskeeda istaraatiijiga ah ee ku teedsan Gacanka Cadmeed, taas oo u sahashay inay noqoto marin muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamiga ah iyo isku xidhka suuqyada gobolka iyo dunida. Sida lagu xusay falanqayntan, horumarka muuqda ee Dekeddas Berbera iyo korodhka maalgashiga shisheeye ayaa si aan hore loo arag u soo jiidanaya indhaha caalamka. Iyadaoo iskaashiyada cusub ee gobolka, gaar ahaan Ethiopia iyo UAE ay si weyn u xoojinayaan doorka Somaliland ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda ee Geeska Afrika.

“Marka laga yimaado dhinaca siyaasadda, isbeddel kale oo muhiim ah ayaa ka socda gudaha Somaliland. Waxaa jira kacaan aamusan oo ay wadaan dhalinyaro aqoon leh, kuwaas oo horseedaya hal-abuur cusub. Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, ganacsiga iyo tiknoolajiyadda ayaa si tartiib ah u kobcaya, iyagoo keenaya xalal casri ah sida adeegyada maaliyadeed ee dijitaalka ah (fintech) iyo barnaamijyo isku xidhaya beeralayda iyo suuqyada.” ayaa lagu sheegay warbixintan.

Gabagabadii warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay maanta marayso marxalad cusub oo taariikhi ah oo ay kaga gudbaytay dhibaatadii diblumaasiyadeed ee hore, isla markaaana ay u xuub-siibatay xarun dhaqaale iyo mid istaraatiijiyadeed oo aan la iska indho tiri-karin. Sida lagu xusay warbixintan “Isku-darka dekedda casriga ah ee Berbera, iskaashiga quwadaha gobolka, iyo hal-abuurka dhallinyaradeeda ayaa caddayn u ah in masiirka dalka Somaliland aanu ku xidhnayn oo kaliya aqoonsi rasmi ah, balse uu ku dhisanyahay miisaanka dhabta ah ee ay ku leedahay fagaaraha caalamka. “Gebagebadii, Somaliland maahan oo kaliya maamul raadinaya aqoonsi, balse waa xaqiiqo dhab ah oo horay u socota, taas oo beddeli doonta khariidadda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika iyo dunidaba.”