Wasaaradda Maaliyadda JSL oo Muujisay Hoggaamin Tayo leh iyo Horumar la Taaban Karo

0
79

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujisay hoggaamin hufan iyo karti maamul oo sare, kadib markii ay todobaadkan si guul leh u qabatay shir farsamo oo muhiim ah kaas oo ku saabsan Mashruuca horumarineed ee SERP, oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka. Shirkan ayaa si cad u iftiimiyay sida ay wasaaraddu uga go’an tahay dardargelinta dib-u-habaynta maaliyadeed iyo xoojinta nidaamka dowladnimada ee Somaliland.

Shirka waxaa ka qayb galay hay’adaha muhiimka ah ee wadaagayaasha mashruuca, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeeya horumarinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka qaranka. Ka-qaybgalka ballaadhan ee hay’adahan ayaa muujinaya heerka sare ee iskaashi iyo isku-duubni ee lagu maamulayo mashruuca SERP. Xidhiidhiyaha mashruuca ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo muujinaysa horumar muuqda oo la gaadhay, gaar ahaan dhinaca isticmaalka dhaqaalaha oo si weyn u kordhay una gaadhay saddex jibbaar. Tani waxay caddeyn u tahay dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo hufnaanta iyo dardar gelinta fulinta mashruuca.

Masuuliyiintii ka hadlay shirka ayaa si isku mid ah u bogaadiyay horumarka la taaban karo ee mashruucu sameeyay, iyagoo si gaar ah u ammaanay hufnaanta shaqo, wada-shaqaynta hay’adaha, iyo jihada togan ee dib-u-habaynta maamulka maaliyadda. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in SERP uu noqday mashruuc tusaale u ah sida xirfada leh ee loo hirgelin karo barnaamijyada horumarineed.

Tallaabadani waxay mar kale caddaynaysaa in Wasaaradda Maaliyadda JSL ay safka hore kaga jirto hay’adaha hormuudka u ah casriyeynta nidaamka maaliyadeed, kordhinta dakhliga gudaha, iyo hagaajinta adeegyada dawliga ah, taas oo kor u qaadaysa kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.