Qiso :“Aqoonta Iyo Xirfaddu Wakhtiga Adag Ayay Ku Badbaadiyaan”

0
128

Dalxiise Maraykan oo tegay jasiiradda Zanzibar ee dalka Tansaniya ayaa weydiiyay wiil doonayaha dalxiisayaasha qaada wata oo uu markaasi raacay, isagoo doonayay inuu badda ugu tamashla geeyo, su’aashan “ Miyaad aqoon u leedahay cilmiga barshada noolaha (Biology) , Cilmi nafsiga (psychology), Juqraafiga iyo cilmiga baadhista denbiyad (criminology) ”. Wiilka ayaa markiiba ugu jawaabay “ maya , ma aqaano midna “. Dalxiiska Maraykanka ayaa intaasi ka dib ku yidhi :” Waa maxay cadaabtan dunida ee aad ku jirtaa, waxaad u dhiman doonta jaahilnimo”.
Wiilka ayaa ugu jawaabaya “ dhib ma leh “. Muddo markii ay badda dhex tamashleeyeen ayay Doonidu shil ku dhacay waxayna bilowday inay degto. Markii arinkii u cadaaday wiilka inay ay degysao ayuu weydiiyay dalxiisaha Maraykanka ah su’ashan: “Ma taqaana dabaasha dabiiciga ah (swimology) , ma taqaana sida looga badbadaado bahalaha badda “? Dalxiisaha ayaa ku jawaabay :” Maya”. Wiilka ayaa isuguna ku celiyay : “ Haddaanad dabaasha aqoon maxaad u dalxiisaysa ee aad ka nooshahay ” Maantana biyaha waad quusi doontaa waxaana ku cuni doona yaxaaska. Aqoon kasta wakhti halis ah oo ay ku badbaadiso ayaa jira. Ogow, Noloshu ma dhamaystiranto qof kasta xirfad uu yaqaan ayaa jirta ha xaqirin qofna.