Qore Sacad Xarbi
Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ayaa booqday Dhakhtarka Weyn ee Magaalada Hargeysa, munaasibadda Maalinta Qaran ee Iskaalmaysiga iyo Isu-samafalka Shacabka Somalialnd (10-ka May), awgeed, halkaasi oo uu xog warran kaga dhegaystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Agaasimaha Guud, maamulka iyo hawl-wadeennada Dhakhtarka weyn ee Hargeysa
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland , waxa uu kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Dhakhtarku ka kooban yahay, gaar ahaan qaybaha ICU-ga, sifaynta kelyaha iyo qaybta cudurrada daba dheeraada ee NCD-da, isaga oo u kuur-galay habsami u socodka adeegyada caafimaadka iyo xaaladaha bukaan-jiifka. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu booqday Dhismaha Dhakhtarka Casriga oo ay maalgelisay Dawladda Taiwan.
Mudane Cali Aw Cabdi waxa uu bogaadiyey shaqaalaha caafimaadka oo uu ku tilmaamay kuwo habeen iyo maalin ba heegan ugu jira u adeeggidda bulshada. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa shacabka, ganacsatada iyo dadka muxsiniinta ah ugu baaqay inay xoojiyaan dhaqanka iskaalmaysiga iyo isu-gargaaridda, gaar ahaan xilliyada ay jiraan duruufaha nololeed iyo baahiyaha bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha waxa kale oo uu sheegay in Maalinta Iskaalmaysiga Qaranka ee 10-ka May ay tahay maalin lagu xoojinayo damiirka bulshada, laguna muujinayo samafalka iyo taageerada dadkeenna jilicsan ama nugul ee u baahan garab istaag iyo daryeel bulsho. Waxaanu si gaar ah u bogaadiyay shaqaalaha caafimaadka, isaga oo xusay in daryeelka dadka bukaanka ahi uu yahay masuuliyad Qaran iyo waajib bani’aadannimo oo mudan qaddarin iyo taageero joogto ah.
Gabagabgadii Booqashada Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo masuuliyiinta kale ee eek a tirsan Xukuumadda ee wehelinayay booqashadan waxay qayb ka ahayd ololaha Qaran ee lagu xoojinayo dhaqanka iskaalmaysiga, isu samafalka iyo wadajirka bulshada Somaliland, si bulshada loogu dhiirrigeliyo in aan la illoobin dadka nugul iyo qoysaska duruufuhu saameeyeen.




















