Mashruuca Tog-Wajaalle: Isku-xidhka Ganacsiga Geeska Afrika” The TT

0
105

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbixin ay daabacday Warbaahinta The Tanzania Times ayaa iftiimisay horumar weyn oo laga sameeyay xoojinta iyo fududaynta isu socodka ganacsiga gobolka, gaar ahaan Somaliland iyo Itoobiya. Warbixintu waxay sheegtay in mashruuca dib-u-dhiska buundada xuduudda Tog-Wajaale la filayo inuu si weyn u beddelo isku xidhka ganacsi iyo isu socodka bulshada ee u dhexeeya labada dal, iyadoo mashruucan uu qayb muhiim ah ka yahay horumarinta Marinka Berbera (Berbera Corridor).

Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in Mashruucan muhiimka ah ay fulinayso hay’adda TradeMark Africa (TMA), oo maal-gelin ka helaysa dowladda Sweden,  iyada oo loo marayo barnaamijka SWIFT (Swedish Initiative for Facilitating Trade in Africa). Waxa kale oo ay xustay in dib-u-dhiska kaabeyaashan muhiimka ah ee lagu xoojinayo marinka Berbera Corridor uu si weyn u wanaajin doona hufnaanta, badbaadada iyo kalsoonida isu socodka dadka iyo badeecadaha ee xadka ka gudba.

Sida lagu sheegay warbixinta, mashruucan horumarineed waxaa ku lammaan  nidaam kastam oo casri ah, kaas oo awood buuxda u siinaya Somaliland iyo Itoobiya inay si toos ah isu dhaafsadaan xogta kastamka., taas oo ay kutilmaantay tallaabo wax ku ool ah oo yareynaysa dib-u-dhacyada ka dhasha xadka. Waxa kale oo ay sheegtay in mashruucani uu yahay  halbowlaha ugu muhiimsan ee isku xidhaya Itoobiya iyo Dekedda Berbera, kaas oo kor u qaadaya hufnaanta gaadiidka, badbaadada safarka, koboca dhaqaalaha Geeska iyo tartanka ganacsi ee Marinka Berbera.

WarbixintaThe Tanzania Times waxa kale oo ay sheegtay in xadka Tog-Wajaale uu ka mid yahay marinnada ugu mashquulka badan Geeska Afrika, iyada oo xustay “Xadka Tog-Wajaale ayaa ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan Geeska Afrika, waxaana maalin kasta isaga gudba gaadiid xamuul ah, ganacsato iyo dadweyne tiro badan. Si kastaba ha ahaatee, buundadii hore ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay culays dhinaca awoodda qaadista ah, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo daadadka.”

Warbixinta waxaa lagu soo gabagabeeyay in Safiirka Sweden ee Itoobiya, Magnes Lennartsson, uu mashruucan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo kaabeyaasha ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha bulshada labada dal. Isaga oo intaa ku daray in mashruucu aanu ku koobnayn dhismaha buundo kaliya, balse uu sidoo kale horseedi doono shaqo-abuur, isdhexgal dhaqaale, iyo horumar nololeed oo waara.