Qore Sacad Xarbi
Hargeysa (Dawan) Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa lagu qabtay shir muhiim ah oo saddex-biloodlaha ah oo lagaga hadlay qaybta dhaqaalaha ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDP III). Shirkaas oo markii ugu horreysay ay si rasmi ah hoggaaminayso Wasaaradda Maaliyaddu ayaa muujinaya doorkeeda sii xoogaysanaya ee ay ku leedahay isku-xidhka iyo hagidda qorshayaasha dhaqaalaha dalka
Kulan hawleedkan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Waaxyaha Qorshaynta iyo Dhaqaalaha ayaa waxaa ka qaybgalay Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda ee bah-wadaagta ku ah arrimaha dhaqaalaha, kuwaas oo ka wada shaqeeya arrimaha horumarinta dhaqaalaha. Waxa si rasmi ah u furay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, iyadoo ay weheliyaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka.
Intii uu shirku socday ayaa si qoto dheer loo falanqeeyey horumarka la gaadhay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka ee la xidhiidha qaybta dhaqaalaha ee loo yaqaan ESCOM. Doodaha iyo falanqaynta ka dib, waxa si wadajir ah la islula qaatay in la dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha dhaqaalaha, isla markaana shirarka dib-u-eegista ah loo beddelo kuwo joogto ah oo afartii biloodba mar la qabto, iyadoo oo ay Wasaaradda Maaliyaddu hoggaaminayso.
Sidoo kale, waxa kulanka lagu kala qaaday waajibaadka iyo shaqooyinka ay wada-hawlgalayaasha dhaqaaluhu ka masuulka yihiin, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan, hufnaan iyo isku-duubni dheeraad ah oo lagu horumariyo Qorshaha Horumarinta Qaranka. Shirkan ayaa guud ahaan loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo isku-dubbaridka hay’adaha dhaqaalaha iyo dardargelinta horumarka dalka.
.




















