• Haddii aad ballan qaaddo, oofi ballantaada; Daacadnimadu waa hantida ugu qiimaha badan
• Markaad hadasho, fikir; markaad xanaaqdo, aamus.
• Noqo qof bini’aadam ah oo bulshada waxtar u leh
• Noloshu waa sida baaskiil, si aanad u dhicin socodka ha joojin
• Nolosha isfaham ayaa lagu hayn karaa maaha xoog
• Wanaag ma leh Ummad seeftu gacanta ugu jirto fulaygeed, maalkuna tuugteed, aqoontuna munaafiqeeda
• Laba arrimood ayaa qofka akhlaaqdiisa muujiya, dulqaadkiisa marki aanu waxba heysan, iyo dhaqankiisa wax haysto
• Waxaa jirta masaafo u dhaxaysa male-awaalka qofka iyo aragtidiisa, taas oo niyaddiisa keliya fahmi karto.
• Haka dhigin dharkaaga waxa kugu qaalisana si aanad u noqon mid ka qiimo jaban waxa uu xidfhan yahay






















