Dayax Madoobadkii Ugu Cabsida Badnaa!

0
96

Aqoondaradu waa u Cadow Noloshaย 

Badmareenkii Christopher Colombes markii uu gaadhay America oo ay deganaayeen bulshada badowda ah ee Hindida Cas-cas, waxa uu sheegay haddii aanay martiqaadin oo aanay siin waxay u baahan yihiin in awoodiisa iyo karaamadiisa uu Iftiinka Dayaxa Ka qarin doono oo aanay weligoodna arki doonin, kaasi oo ay wakhtigaasi iftiinka keliya ee ay haysteen habeenkii..

Arinkaasi may rumaysan Hindida badowda ahayd, waxaana Kolombos la socday koox xidigis ah oo saadaliyay Dayax madoobaad dhacayay Habeenkaasi.

Markii habeenkii uu Dayaxu madoobaaday, kooxdii hogaanka uu ahayd Hindida cascas ee aqoondaradu haysato waxay u yimaadeen badmareenka Colombos iyagoo aad u baryay kana codsaday inuu u soo celiyo Dayaxa iftiinkiisa iyaguna ay fulin doonaan wixii uu isago ka doonayo. Markii habeenkii danbe uu Dayaxu sidiisa ku soo noqday waxay fuliyeen dhamaan qodobadii uu ka codsaday inay dhamaystiraan.

Dhacdadaasi waxay Hindida cascasi ka faaโ€™iiday Dabaaldegga habeenka Dayaxa iftiinku buuxo ay sameeyaan, waxase ay waayeen Qaarad dhan iyo dhul weyn oo hanti u ahaa.

Caalamkii iyo Faylasuufkii Islaamka ah ee Ibnu Rushdi (Abu Axmed Binu Maxamed) oo qarnigii 11aad caan ah waxa uu yidhi xikmadan raagtay :ย  โ€œGanacsiga diinta ee Bulshada aan aqoonta lahayn waa mid aad u macaash badan. Haddii aad doonayso inaad xukunto jaahiliinta ( dadka aan aqoonta lahayn) ย waa inaad been kasta ku dabooshaa Diinโ€