Siyaasi Farxaan Aadan Heybe oo Bogaadiyey Go’aanka Golaha Degaanka Caasimadda JSL

0
225

Hargeysa (Dawan) Siyaasi Farxaan Aadan Heybe ayaa soo dhoweeyey go’aanka Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo shalay cod aqlabiyad ah ku doortay hoggaanka cusub ee degmada. Siyaasi Farxaan, waxa uu sheegay in doorashadu ay u dhacday si waafaqsan sharciga iyo nidaamka u degsan golayaasha deegaanka dalka.

Farxaan Aadan Heybe waxa uu xusay in siyaasadda iyo noloshuba ay leeyihiin marxalado kala duwan oo la maro, kuwaas oo mararka qaar xanbaarsan yididiilo, horumar iyo soo dhoweyn, mar kalena wata duruufo adag iyo caqabado, balse marxaladahaasi kala duwani ay dhammaantood qayb ka yihiin meertada siyaasadda iyo isbeddelka dabiiciga ah ee nolosha.

Siyaasi Farxaan Aadan Heybe, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, kaas oo u dhignaa sidan: “Siyaasadda iyo salaankeedu waa laba weji oo nolosha ka mid ah; mar waxay xanbaarsan tahay soo dhowayn, horusocod iyo yididiilo, mar kalena siibasho, mugdi iyo ayaan kakan. Labaduba se waa sunnaha isbeddelka nolosha, dabciga siyaasada iyo meertada waqtiga amarka Illaahay mid kastaana waxuu rabaa in sifihiisa lagula macaamilo oo loo yeesho adkaysi iyo dulqaad.

Waxaan soo dhowaynayaa go’aanka Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ee cod dheeriga ay maanta (shalay) isku doorteen sida sharcigoodu dhigayo.

Labada Engineer (Mayor Wiiwaa iyo Ku-Xigeen Mayor Mideeye) Illaahay xilka ha u fududeeyo waana aynu dhowri waxay Caasimada ku soo kordhiyaan muddada aadka u kooban ee loo cummaamaday Insha Allah.”