Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cumar Shucayb, ayaa shaaciyey qorsheyaal horumarineed oo la xidhiidha kobcinta adeegyada xoolaha iyo tayeynta kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka Togdheer, isaga oo xusay in Xukuumaddu mudnaan gaar ah siinayso seerayaasha, caafimaadka xoolaha iyo dib-u-casriyeynta Sayladda Burco.
“Waxa aanu Wasaarad ahaan balanqaadaynaa laba arrimood ba in aan idiin qabano, kow in Seerayaashii la kordhiyo oo Seerahaa Aroori oo keliya aanay noqoninee aanu xidhno seerayaal badan oo kale, qodobka labaad na waxa weeye Caafimaadinta Xoolaha iyada na Wasaaradda Xanaanada Xoolahu waa ay ku dhex jirtaa, meel keliya oo ay idin kaga maqan tahay ma jirto”Ayuu yidhi Cumar Shucayb
Dhanka kale, Wasiirka ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda Sayladda Xoolaha ee magaalada Burco oo uu ku tilmaamay xarunta ugu weyn ee ganacsiga xoolaha Bariga Afrika, waxaana uu yidhi:
“Waxa kale oo muhiim ah Sayladda Burco iyadaa ugu weyn bariga Afrika, markaa socon mayso reer hebel baa leh ee waa laga shaqeynayaa, cid sheegan kartaa na ma jirto, hadh baa loo samaynayaa waa laga shaqeynayaa, waa la qurxinayaa, dadka xoolaha leh iyo ninkaa dilaalka ah ee bacadka taagan waxa la doonayaa meel ay bacadka ka hadhsadaan”.




















