Dareenka Wanaagsan Iyo Quluubta Bugta
- Duruuftu cudurdaar kuuma noqonayso, waa adiga ka dooranaya toosanaanta.
- Qofka dadka isku diraa waxa uu lumiyaa kalsoonida bulshadiisa
- Nebi Nuux (cs) mar keliya ayuu u dhowaaqay xayawaanada oo dhan, way Maqleen oo ajiibeen isla markiiba doonida wada koreen, Isagoo 950 sano uu u baaqayay Baniiโadamka, oo iyagu diiday kan doortay Rumaynta iyo raacidda Nebi Nuux (cs) halaaga biyaha qaraqa ah ewe dhulka iyo cirkaba ka soo butaacayay.ย Dareenka fiican ayaa ka wanaagsan quluubta Bugta.
- Wiilkii uu Dhalay Nebi Nuux (cs) waxa uu goโaansaday in aanu bedelin gaalnimadiisa, isagoo ku soo koray guriga Nebiga daaciga ah ee Nuux (cs),ย Gabadhii Fircoon waxay goโaansatay inay rumayso Nebi Muuse (cs) iyadoo ku noolayd guriga Daaqiga ugu weyn ee Fircoon ee Ilaahnimada sheegtay.
- Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dheganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada.
- Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga kugu reebo. Ka wanaagsani waa ka indhihiisa laaba, Allah (sw) ka cabsaday.
- Dadku waxay arkaan xanuunka jidhkaaga ka muuqda laakiin ma arkaan xanuunka ruuxdaadu la il daran tahay. Ka dadka ugu caqli badani waa kan isu haysta inuu ugu xikmad yar yahay.























