Markab Dalku Ruushku leeyahay oo u Degay Duruufo aan la Garanayn

0
127

Markab xamuul ah oo Ruush ah oo u badan tahay inuu siday laba warshadood oo nukliyeer ah oo loogu talagalay maraakiibta quusa, oo laga yaabo inuu u socday Kuuriyada Waqooyi, ayaa la kulmay qaraxyo taxane ah wuxuuna ku degay duruufo aan la garanayn, qiyaastii 60 mayl u jirta xeebta Spain, sida ay ogaatay baadhitaan ay samaysay CNN.

Masiibadii aan caadiga ahayn ee ku timi Markabka oo la yidhaahdo Ursa Major ayaa si qarsoodi ah loo qariyay tan iyo markii ay degtay Diseembar 23, 2024. Laakiin waxay tani calaamad u noqon kartaa ka hortag naadir ah oo ay sameeyeen sirdoonka reer galbeedka oo ay kaga hortageen in Ruushka uu tignoolajiyad nukliyeer ah oo casriyasan u diro xulafo muhiim ah, sida ay soo werisay CNN. Markabku wuxuu Rassia ka soo shiraacday laba bilood uun ka dib markii Kim Jong Un uu ciidamo u diray si ay uga caawiyaan duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Goobta uu degay ee xeebta Spain waxa ka jiray dhaqdhaqaaqyo basaasnimo oo lagu dersayey sirta ku xeeran xamuulka uu siday iyo meesha uu u socday. Diyaaradda Mareykanka ee loo yaqaano”sniffer” ee nukliyeerka ayaa laba jeer dul martay goobta markabka sannadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay xogta duullimaadyada. Goobta burburkiisa waxaa sidoo kale la booqday toddobaad ka dib markii uu ku degay markab basaas oo Ruush ah oo looga shakisan yahay inuu qarxiyay afar qarax oo dheeraad ah, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah oo ka tirsan baadhitaanka Isbaanishka ee dhacdada.

Dowladda Spain wax yar ayay ka sheegtay arrimaha ku gadaaman Markabka, kaliya waxay soo saartay bayaan 23-kii Febraayo ka dib markii ay cadaadis kala kulantay sharci-dejiyeyaasha mucaaradka dalkaa. Waxay xaqiijiyeen in kabtanka Ruushka ee markabka uu u sheegay baadhayaasha Isbaanishka in Ursa Major uu siday “qaybo loogu talagalay laba warshadood oo nukliyeer ah oo la mid ah kuwa loo isticmaalo maraakiibta quusta ee Gujiska loo yaqaano,” wuxuu kale oo sheegay in aanu hubin in Markabka ay ku rarnaayeen shidaalka nukliyeerka.

Dhacdooyinka taxanaha iyo safarka Ursa Major ayaa lala socday. Markabka Ursa Major, oo sidoo kale loo yaqaan Sparta 3 ayaa hawlaha milatariga Ruushka ee Suuriya qayb ka ahaa halkaas oo loo isticmaali jiray in lagu daadgureeyo qalabka Ruushka.

Intaanu soo gaadhin xeebta Spain wuxuu soo maray xeebaha dalal badan, wuxuu ku danbeeyey xeebta Faransiiska, xeebta Portugal waana lagu aad joogay. Waxa iyaguna la socday Laba markab oo militari oo Ruush ah, Ivan Gren iyo Aleksandr Otrakovskyoo dusha ka ilaalinayey.

Markii uu soo gaadhay xeebta Spain, si xoog leh ayuu uga leexday jidkiisii, Diseembar 23, wuxuu soo saaray baaq degdeg ah oo lagu caawinayo, sida ay sheegeen baadhitaanku. Saddex qarax ayaa ka dhacay oo ay u badan tahay meel u dhow qolka matoorka, taas oo dishay laba shaqaale ah. Tani waxay ka dhigtay markabkii mid aan dhaqaaqin.

14-kii shaqaale ah ayaa lagu daadgureeyay doon badbaadin ah. Laakiin nus saac ka dib, mid ka mid ah maraakiibta militariga Ruushka ee la socday Ursa Major, Ivan Gren, ayaa ku amray maraakiibta u dhow inay laba mayl u jirsadaan markabka, waxa ka dhacay ilaa afar qarax oo danbe. Markabka Ruushka ayaa weydiistay Spain in loo soo celiyo is shaqaalaha la badbaadiyay.

laakiin Spain ayaa ku adkeystay inay hubinayaan. 14-ka qof ee ka badbaaday markabka Ruushka ah ayaa la keenay dekedda magaalada Cartagena, halkaas oo ay kula kulmeen booliska Spain iyo baarayaasha. Kabtanka Ruushka ayaa ka cago jiidayay inuu ka hadlo waxyaabaha la sheegay in markabka uu ku jiray, isaga oo ka baqaya badqabkiisa, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay dowladda Spain ee loo gudbiyay sharci-dejiyayaasha mucaaradka.

“Ugu dambeyntii wuxuu qirtay inay ahaayeen qaybo ka mid ah laba fal-galeyaal nukliyeer oo la mid ah kuwa ay isticmaalaan maraakiibta gujiska.  Ilo xog ogaal ah oo baadhitaanka ka warqaba ayaa sheegay in kabtanka Ruushka, oo lagu magacaabo Igor Anisimov, in markabku u socday dekedda Rason ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxa la rumaysan yahay in laba Miishiin loo waday Qalfoofka laba gujis oo lagu sameeyey Waqooyiga Kuuriya, hase ahaatee ma gaadhin Mishiinadu waana laga war helay sababtaa ayaa loo dejiyey markabka loona qarxiyey hadhaagiisa iyo wuxuu siday.