Qore Sacad Xarbi
Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa mar kale muujisay go’aankeeda joogtada ah ee horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha, iyadoo qeyb ka ah istaraatiijiyadda guud ee xukuumadda wadajir iyo waxqabad ay ku xoojineyso adeegyada bulshada iyo fursadaha dhalinyarada. Khamiistii, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed Yaasiin Maxamuud Faarax, ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray Garoonka Kubadda Kolayga ee magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.
Munaasabaddan xashiga lagaga jarayay goroonkan ayaa ahayd mid si weyn looga dareemay taageerada bulshada ee gobolka Awdal, iyadoo ay ka qayb galeen, Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda Kolayga Somaliland Siciid Cabdi Xarbi, Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda ciyaaraha, Agaasimaha Guud, Maayarka Magaalada, Badhasaabka Gobolka, masuuliyiin kale iyo Agaasime Waaxeedka Waaxda Ciyaaraha iyo Garoomada.
Furitaanka garoonkan cusub waa tallaabo muuqata oo ka tarjumaysa sida xukuumadda ay ay uga go’an tahay dhiirrigelinta dhalinyarada, horumarinta ciyaaraha, iyo ballaadhinta fursadaha bulsho ee gobolka. Garoonkani wuxuu noqon doonaa xarun ciyaareed oo loogu talagalay in lagu kobciyo xirfadaha dhalinyarada, korna loogu qaado firfircoonidooda jidh ahaaneed, iyo in la abuuro jawi midnimo iyo wadajir ah oo ka dhex jira bulshada.
Inta lagu guda jiray soo dhaweynta Wasiirka iyo waftigiisa, bulshada gobolka ayaa muujisay farxad, taageero iyo bogaadin ku aaddan dadaallada dowladda ee horumarinta ciyaaraha iyo fursadaha dhalinyarada. Tani waxay cadeyn u tahay in shacabka Somaliland ay ka qeyb qaataan qorshayaasha horumarineed, islamarkaana ay yihiin la-hawlgalayaasha ugu muhiimsan ee mashruuc kasta oo lagu horumarinayo ciyaaraha iyo adeegyada bulshada.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ku howlan fulinta qorshayaal istaraatiiji ah oo loogu talagalay kobcinta ciyaaraha, horumarinta xirfadaha dhalinyarada, iyo dhisidda garoomo casri ah oo heer qaran. Furitaanka garoonka waxaa ka muuqda sida xukuumaddu u hoggaaminayso mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah, iyagoo abuura jawi ku habboon ka qaybgalka firfircoon ee dhalinyarada, kobcinta xirfadaha ciyaareed, iyo dhiirrigelinta dhalinyarada guud ahaan dalka.
Garoonkani wuxuu sidoo kale leeyahay muhiimad siyaasadeed iyo bulsho, isagoo ka tarjumaya himilada dowladda ee dhisidda bulsho firfircoon, caafimaad qaba, iyo mid ku dhaqanta mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo wadajirka bulshada. Waxa uu fursad siinayaa dhalinyarada gobolka in ay ka soo baxaan caqabadaha nolosha, u helaan goob ay ku horumariyaan hibadooda ciyaareed, iyo in ay ka qaybqaataan dhacdooyin isboorti oo heer qaran iyo heer gobol ah.
Furitaanka garoonkan waa caddeyn kale oo muujinaysa sida Somaliland ay uga go’an tahay horumar waara oo dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada ah, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyadda xukuumadda ee kobcinta adeegyada bulshada, dhiirrigelinta fursadaha shaqo iyo horumarinta caafimaadka jirka ee dhalinyarada. Garoonkani wuxuu noqon doonaa astaan muujinaysa dadaalka joogtada ah ee dowladda, isagoo ka tarjumaya hogaaminta mas’uuliyiin firfircoon oo u heelan dhismaha bulsho horumarsan.



















