Somaliland: Dal Dimuqraadiya oo Sharci ahaan Madax-bannaan” Warbixin: Eritrea Insight 2

0
71

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Wartbaahinta Eritrea Insight 2, ee fadhigeedu yahay dalka Eritrea, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay dal sharci ahaan madax-bannaan, dimuqraadi ah, oo ku yaal Afrika, kaasoo leh: dowlad u gaar ah; ciidan iyo booliis shaqeynaya; lacag u gaar ah; doorashooyin dimuqraadi ah iyo xasillooni ka sarreysa waddamo badan oo la aqoonsan yahay. Warbixintu waxay sidoo kale canaan u jeedisay Ururka Midowga Afrika, iyadoo sheegtay in uu ku guuldareystay in uu aqoonsado Somaliland, oo ah dal xor ah muddo ka badan 30 sanno.

Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in siyaasadda caalamiga ahi ay si khaldan u muujiso khariidada Somaliland, iyadoo lagu dhex daro sawir khiyaali ah oo lagu sheego khariiradda Soomaaliya. Taas oo ka fog xaqiiqada juquraafi iyo siyaasadeed dalkan, Warbixintan oo uu soo xisgtay Wargeyska DAWAN, waxay xustay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan, oo leh nidaam siyaasadeed oo u gaar ah. Halka Soomaaliya ay in ka badan soddon sano la tacaalayso fawdo iyo dagaallo sokeeyo, burbur, xasilooni darro siyaasadeed iyo kala qaybsanaan.

Eritrea Insight waxa kale oo ay sheegtay “1960-kii, laba dal ayaa xornimo qaatay: British Somaliland iyo Soomaaliyadii Talyaanigu guumaystay. Somaliland si mutadawacnimo ah ayay ugu biirtay Soomaaliya Weyn, balse midowgaas looma ansixin sharci ahaan, mana jirin heshiis buuxa oo dhammaystiran. Markii xukunkii Saciid Barre talada qabsaday, dhulka Somaliland waxaa ka dhacay cadaadis naxariis darro ah, xasuuq baahsan, magaalooyin la duqeeyay, iyo kumanaan kun oo qof oo dhintay, Hargeysa-na waa la burburiyay. Kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, Somaliland si tartiib ah ayay uga baxday dhibaatadii jirtay iyo fowdadii, waxaanay dhisatay nidaam dawladeed iyo xasilooni buuxda.”

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in qadiyadda Somaliland ay su’aal khatar ah soo bandhigayso, Waxaanay xustay “Haddii dal madax-bannaan uu shaqeynayay muddo ka badan 30 sanno, goorma ayay dunidu aqoonsi siinaysaa? Midowga Afrika ayaa ka baqaya in aqoonsigeedu abuuro tusaale gobol, taasina waxay sababtay in nidaamka caalamiga ah uu doorbido curyaannimo. Eritrea iyo Koonfurta Suudaan waxay heleen aqoonsi iyo taageero caalami ah, halka Somaliland ay iskeed u dhistay xasillooni buuxda oo ka ammaan iyo xasillooni badan dalal la aqoonsan yahay. Somaliland waa tusaale cad: waddan shaqeynaya, laakiin aan la aqoonsan.”