Warbixin Caalami ah oo Somaliland ku Tilmaantay Xudunta Cusub ee Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga

0
84

 

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo uu baahiyay kannaalka Next Gen Africa TV ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay bartilmaameedka cusub ee maalgashiga caalamiga ah. Warbixintu waxay xustay in xiisadaha siyaasadeed iyo fowdada ka taagan Bariga Dhexe awgeed, ganacsiga adduunku si lama filaan ah ugu leexday Afrika, gaar ahaan Somaliland oo fursad weyn u helaysa Isbeddelkan dhaqaale iyo siyaasadeed isla markaana kor u qaadaya saameynta caalamiga ah ee gobolka.

Sida lagu sheegay warbixintan oo uu soo xisgtay Wargeyska DAWAN,, Aqoonsiga istiraatiijiga ah ee Somaliland ay siiyay Israel ayaa noqday qodob siyaasadeed oo muhiim ah, taas oo ah fursad diblumaasiyadeed oo ay Somaliland si weyn uga faa’iideysanayso, iyadoo leh dekedaha Berbera oo ku taalla goob leh qiime juquraafiyadeed, isla markaana ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan iyadoo ku dhawaad 12% ganacsiga caalamka uu maraayo Badda Cas.

Sidoo kale warbixinta ayaa xustay in falanqeeyayaasha siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunku ay tilmaamayaan in Somaliland ay hadda ku soo baxdady awoodaha istiraatiiji ah iyo wajahadda cusub ee dhaqaalaha iyo maalgashiga caalamiga ah. Waxa kale oo lagu sheegay in Somaliland ay haysato fursado maalgashi oo dahabi ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo adeegyada ganacsi.

Warbixintu waxay intaasi raacisay “Maalgashadayaasha caalamiga ah ayaa si gaar ah u eegaya Somaliland, maadaama ay noqotay barta istiraatiijiga ah ee Bariga Afrika, taasoo ka dhigaysa dal muhiim u ah horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka iyo caalamka ba.

Somaliland waxay hadda ku jirtaa xudunta isbeddelada juqraafi iyo siyaasadeed ee caalamiga ah, iyadoo dekedaha iyo aqoonsiga istiraatiijiga ah ay ka dhigayaan bartilmaameed muhiim ah oo maalgashi, islamarkaana ay fursado cusub u abuureyso ganacsatada iyo dowladaha doonaya inay ka faa’iideystaan kobaca Afrika.”