Liverpool Oo Aqbashay Dalab Uu Uga Tagayo Xiddig Kooxdeeda Ah.

0
90

Sida ay sheegayaan warbixino cusub, caqabad weyn ayaa laga qaaday qorshaha uu Alisson Becker ugu biirayo Juventus, iyadoo la sheegay inuu “diyaar u yahay inuu macsalaameeyo” Liverpool.

Waxay u muuqataa in Liverpool ay markale sameyn doonto isbeddel weyn oo dhanka ciyaartoyda ah xagaagan.

Tani waa arrin la filan karo kadib xilli ciyaareedkii xumaa ee 2025/26, iyadoo Mohamed Salah iyo Andy Robertson horey loo xaqiijiyay inay kooxda kaga tegayaan si xor ah xagaagan.

Warbixinadii ugu dambeeyay ayaa muujinayay in Alisson uu raaci karo Salah iyo Robertson, maadaama uu doonayo inuu ku biiro kooxda weyn ee Talyaaniga ka dhisan ee Juventus.

Kooxda Turin ka dhisan ayaa suuqa u gashay goolhaye cusub oo No.1 ah, waxayna mudnaanta siinayaan Alisson, kaasoo la sheegay inuu doonayo inuu dib ugu laabto Serie A, halkaas oo uu hore ugu soo ciyaaray AS Roma.

Warbixintu waxay sheegtay in caqabad weyn ay ahayd suurtagalnimada Juventus inay seegto u soo bixitaanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin warbixin cusub oo kasoo baxday Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in wakiillada Alisson ay Juventus u sheegeen inuu doonayo inuu heshiiskan dhameystiro xitaa haddii aannay kooxdaasi usoo bixin Champions League.

Warbixintu waxay tidhi “Goolhayaha reer Brazil ee Liverpool wali wuxuu aaminsan yahay mashruuca Juventus xitaa haddii aysan u soo bixin Champions League. Wakiilkiisa ayaa diyaar u ah inuu dedejiyo wada-hadallada kadib xidhiidh cusub oo lala sameeyay maamulka kooxda.”

Waxaa sidoo kale lagu daray “Wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro Juventus, wuxuuna diyaar u yahay inuu macsalaameeyo Anfield Axadda 5-ta galabnimo kulanka ugu dambeeya Premier League ee ay la ciyaarayaan Brentford. Tababare Arne Slot ayaa la filayaa inuu kusoo bilaabo, laakiin Alisson wuxuu doonayaa inuu ciyaartaasi noqoto gunaanad qurux badan kadib sideed sano oo xusuus leh oo uu ku qaatay Liverpool.

Dhanka kale, Harvey Elliott ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu Liverpool ka tago xagaagan kadib amaah aan wanaagsanayn oo uu ku qaatay Aston Villa.