Fadliga tobanka bisha Dulxijah iyo camallada lagu camirayo

0
119

Alxamdulilaah, Ilaahay ayey mahadi u sugnaatay ina soo gaadhsiiyey maalmihii khayrka badnaa ee ku jiray bisha Dilxijah, waana xilligii ay xujaajta baytka Ilaahay gudanayeen waajibaadkii Xajka iyo Cumrada. Maalmahan hore ee Dulxijah waxay leeyihiin fadli aad u wayn oo ay dheer yihiin bilaha kale iyo maalmaha kaleba, waxaanu fadligeedu ku soo arooray Kitaabka Quraanka ah iyo sunnada nabigaba (scw):

Maalmahan ugu horayn Ilaahay ayaa ku dhaartay, sida ku sugan Suuratul Fajri bilowgeeda. “Ilaahay wuxuu ku dhaartay Waabariga (1) Iyo Habeenadan Tobanka ah (Carrafo).” (Aaydaha1-2). Habeenada culimada tafsiirku waxay ku tilmaameen tobanka bisha Dulxijah ugu horayeeya. Habeenadii ayuu Ilaahay sheegay maalmihiina way la socdaan. Sidaas oo kale  Ibnu Cabbaas, ibnu Zubeyr, Mujaahid iyo kuwa kale ayaa tilmaamay in tobankani yihiin tobanka ugu horeeya bisha Dulxijah.

Nebigu(scw) waxa uu yidhi “Ayaamaha Ilaahay waxa ugu fadli badan maalmaha tobanka Dulxijah”. Maalmahan waxa ku jira Yoomul carafa ee Xajul Akabar, Nebiguna uu yidhi “Al Xajul carafa’. Waxa kale oo ku jira maalinka ciidda. Ibnu xajar, Alle ha u naxariistee waxa uu yidhi “Maalmahan waxa fadliga weyn u yeelay Cibaadooyinka ku kulmay oo ay ka mid yihiin: Towxiidkii sababta oo ah waa la Taxbiixsanayaa, takbiiranayaa iyo Tahliil.  Salaadii baa la tukanayaa, Soomkii ayaa lala imanayaa, Xajkii baa la gudanayaa, Sadaqadii baa lala imanayaa, Gawracii iyo hadigii baa jira.

Camallada Maalmahan la qabanayo aad ayaa loo amaanay. Nebigu Xadiiska Bukhaari ku sugan ee uu warinayo Ibnu cabaas waxa uu ku tilmaamay in camalka saalixa ah ee bishan la qabto uu Ilaahay ugu jecel yahay camallada oo dhan. Nebigu waxa uu yidhi “Ma jiro camal la qabto oo ka fadli badan maalmahan tobanka ah” Asxaabtu waxay yidhaahdeen : Xitaa Jihaadka? yidhi: “Xitaa Jihaadka, ilaa qof dagaalka u baxay isaga la baxay naftiisa iyo xoolihiisaba oo aan soo kala noqon” [Bukhaari: 26]. Sidaas oo kale Xadiiska Imaamu Axmed ee uu warinayo Ibnu Cumar (R.C) Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi: “Ma jiraan ayaamo Ilaahay agtiisa ay kaga wayn yihiin loogana jacayl badan yahay camalada la qabto maalmaha tobanka ah dhexdooda, ee badsada dhexdooda Tahliisha (Laa’ilaaha ilaa Allah) Takbiirta (Allahu akbar) iyo Taxmiida (Alxamdulilaah)” [Musnadka Imaamu Axmed: 5423 ].

Fadliga weyn ee Maalmahan sida aynu soo sheegnay waxa ku jira Yoomul Carafa. Maallintaa fadligeeda waxa lagu sheegay inuu Ilaahay Naarta ka xoreeyo dadka ugu badan. Sida uu sheegayo xadiiska Muslim ku sugan ee ay warinayso Caa’sha(R.C). Nebigu waxa uu yidhi “Ma jiro maalin ilaahay uu Adoomihiisa Naar ka xoreeyo oo ka badan maalinta Carafo”, maalintaa Ilaahay dadka ugu badan ayuu ka xoreeyaa naarta isaga oo weliba Malaa’iigta ugu faanaya.(Ilaahay inuu faano cidna kuma qasbin). Maalintaasi waa maalinta Denbi dhaafka naar ka xoraynta iyo soomkeeda lagu dhaafayo danbiyada.

Waxyaalaha aan ku camirayno tobanka bishan:

Soomka: Soomka maalmahan fadli weyn ayaa ku jira qofkii caafimaad qabaa wuu wada soomi 10-ka maalmood, kii badh ka Soomi karaarana wuu soomi, kii kale waxa uu ku mintidi maalinka Carafa ama 9-ka bisha. Nebigu xadiis Muslim ku sugan waxa uu yidhi “Maalinka carafa soomkiisa Ilaahay waxaan kaga sugayaa inuu igaga dhaafo Denbigii sanadkii hore iyo ka sanadka soo socda”.

Salaada: Waxaynu ku camiraynaa Salaadaha. Faralka waa in aan u hagar baxnaa oo wanaajinaynaa. Qofku haduu Faralka ku xaragooda, salaadaha sunnaha ahna uu badsado Ilaahay buu u dhowaanayaa. Sida uu Nebigu sheegay, Nebigu waxa uu yidhi “Ilaahay waxa uu adoonku ugu soo dhowaado waxa uu ugu jecel yahay waxa uu ku faral yeelay iyo sunayaasha salaadaha oo uu badiyo, markaa wuu jeclaanayaa”. Waxa kale oo uu soo arooriyey Thawbaan inuu maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Waa inaad badsataa sujuuda Ilaahay, sababta oo ah majirto sujuud aad usujuudo Ilaahay, hadayba jirto wuxuu Alle sare kuugu qaaday darajo, wuxuuna kaa masaxayaa danbi” [Saxiix Muslim:488 ].

In la badiyo Takbriirta, Taxmiida iyo Tahliisha: Maalmahan waxaa badinaynaa Allahu Akbar, Alxamdu Lilaah, Laa’ilaaha ilaa Allah, Subxaana Laah. Waxaan ku beddelaynaa hadaladii inagu badnaa. Sida ku soo aroortay xadiiskii ibnu Cumar ee ku sugan Iimaamu Axmed. Nebugu waxa uu yidhi “Maalmahan waxaad badisaan Takbiirta, Taxmiida iyo Tahliisha. Bukhaari wuxuu leeyahay  : “Ibnu Cumar iyo Abuhurayra suuqa ayey u bixi jireen maalmahan waxay badin jireen Takbiirta, Taxmiida iyo Tahliisha dadkuna way ka daba qaadi jireen”. Sidaa awgeed sheekh ibnu Cuthaymiin: waxa uu leeyahay” Innagu hadaynu nahay Muslimiin waa inaynu noolaynaa sunnada nabiga ee la beer dareeyey sanado badan, oo xitaa ay ku dhowaatay in dadkii wanaagsanaa ay ilaaween..”

Sadaqada: Waxaynu maalmahan Ilaahay ugu dhowaanaynaa Sadaqada innaga oo ka faa’iidaysanayna fadliga maalmahan. Ilaahay waxa uu ina leeyahay “Waar dadkiiyow sadaqa la baxa inta aan geeridu idinku iman ee aad wakhtiga haysataan, si ay daan hadhow u calaacalin”.

Sare u qaadka Camalada Saalixa ah: Waxaynu ku camiraynaa in aan dedaalka badino oo kordhino cibaadada noocyadeeda kala duwan innaga oo ka faa’iidaysano maalmahan. Waxa ugu horeeyo in aan ka durugno denbiyada. Denbigu waa xun yahay oo sidiisaba waa in aanu qofku samayn. Marka lala yimaado wakhtiga fadliga badana wuu u sii xun yahay. Waxa kale oo la jeclaystaa dhammaan camalada saalixa ah sida sadaqada, u samo falka waalidka, booqashada ehelka, ka farxinta agoomaha, dharka ciidka oo aad u iibso ubadkaaga iyo cidii aad awoodaba, qof buka oo aad booqato, janaaso aad raacdo, quraanka ood akhrido, goobaha wax lagu barto ood xaadirto, salaada habeenkii oo aad ku dedaasho, xuska Ilaahay iyo salliga nabiga oo aad badiso.

Udxiyada inaad diyaarsato: Qofka awooda waxa wanaagsan inuu qalo neef ka gudaya Udxiyada. Nebigu waxa uu sheegay in afar neef aanay kaa gudayn udxiyada; Neefka Cawaran, Neefka dhutinaya, kan buka iyo ka weyda ah”. Waxa la qalaa Salaada ka dib waxaana ay soconaysaa saddexda maalmood ee ciida. Waxa la doortay qofka iska leh Udxiyada inuu gowraco sababta oo ah waa cibaado Nebiguba isaga ayaa gowrici jiray. Haduu qofku ulxaysanayo waa in aanu xiirin timaha iyo cidiyaha ilaa uu gowracayo. Hilibka neefka waxa loo qaybinayaa saddex: qayb ehelku cunaan, qayb uu hadyad ugu geeyo dadka uu ixtiraamyo qofka la baxay neefku iyo qayb sadaqo ah oo masaakiinta ah. Waxa la adkeeyey oo eedaabta ka mid ah in qofka Neefka kuu qalaya in lacag la siiyo oo aan hilibka wax laga siin. Sidaas ayuu Nebigu faray Cali Binu Abii Daalib “Innaga ayaa lacagta jeebkeena ka siinayna’e hilibka waxba ha ka siin”, waayo hilibka meel ayaa loogu tallo galay. Laakiin waa in qofkaa mushqaayadiisa loo hagar baxaa.