Lamaane Faransiis ah oo lagu xidhay Portugal ka dib markii wadada kaga tageen laba wiil

0
77

Maxkamad ayaa xukuntay in haweeney Faransiis ah iyo lammaaneheeda ay xabsiga ku sii jiri doonaan ka dib markii la sheegay inay ka tageen laba wiil oo ay dhashay oo ku sugnaa waddo dhinaceeda ah oo ku taal koonfurta Portugal.

Wiilasha ayaa laga helay fiidkii Salaasadii todobaadkii hore iyaga oo ooyaya oo ku sugan meel u dhow waddo u dhow Alcacer do Sal, oo qiyaastii 100km (60 mayl) koonfur ka xigta Lisbon. Haweeneyda iyo lammaaneheeda, oo ay mas’uuliyiintu ku sheegeen Marine R iyo Marc B, ayaa Khamiistii lagu xidhay Fatima.

Markii maxkamadda la geeyay subaxnimadii Sabtida, ninku wuxuu ku qayliyey af faransiis, isaga oo lahaa “waan idin jeclahay”, wuxuu u jeeday wiilasha.

Garsoore ayaa markii dambe amray in labadan qof la xidho ka hor maxkamadeynta, sida ay sheegeen warbaahinta Faransiiska iyo Bortuqiiska. Waxaa lagu eedeeyay arrimo daran, oo khatar gelin kara nafta wiilasha.

Baadhayaasha ayaa horey su’aalo u weydiiyay lamaanahan dhowr saacadood.

Dhanka kale, carruurta, oo da’doodu tahay afar iyo shan sano, waxay la joogaan qoys korsada Faransiiska ah oo ku sugan Lisbon waxaana la filayay inay ku laabtaan Faransiiska.

Mas’uuliyiinta ayaa u sheegay maxkamadda Setubal in labada wiil ay la noolaayeen hooyadood oo 41 jir ah magaalada Colmar ee bariga Faransiiska, halka aabahood uu mar mar soo booqan jiray, sida ay ku warameyso warbaahinta maxalliga ah.

Laakiin hooyadaa waxa la waayey 11-kii May, qofka helay ayaa warbaahinta Bortuqiiska u sheegtay in mid ka mid ah wiilasha uu sheegay in indhaha laga xidhay, laakiin markii laga qaaday indha-shareer ay hooyadood ka baxsatay.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in lamaanahan ay u muuqdeen kuwo aan la garanayn inay xidhiidh la leeyihiin Portugal.

Asalka lamaanahan ayaa soo jiitay dareenka Faransiiska iyo Portugal labadaba.

Lamaanaha haweeneyda, oo 55 jir ah, waa sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidanka booliska Faransiiska kaasoo ka tagay ciidanka sanadkii 2010.

Wargeyska maxalliga ah ee Correio da Manhã ayaa sheegay in lamaanayaasha laga maqlayay qolalkooda kala duwan iyagoo “isku qaylinaya”.