Somaliland oo lagu Ammaanay Horumarka, Nabadgelyadda iyo Adkaysiga Shacabka

0
80

Somaliland: “Maalinta cadaaladdu way soo socotaa” Qareen Jason McCue

Sharci-yaqaan Caalami ah oo sharci-darro ku tilmaamay midowgii fashilmay ee 1960kii

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Jason McCue, oo ah sharci-yaqaan caalami ah kana mid ah qareennada ugu caansan dalka Ingiriiska (United Kingdom), ayaa si adag u naqdiyey Midowgii fashilmay ee 1960-kii dhexmaray labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah isla markaana sharci ahaan madhan maadaama oo aanu u dhicin si waafaqsan hannaan sharciyeed oo dhammaystiran. Sida lagu sheegay warbixin caalami ah oo ay baahisay AfriNews 24.

Qareen Jason McCue ayaa sheegay in aanu jirin hannaan sharciyeed oo dhammaystiran oo loo maray heshiiska Midowgii lagu hungoobay ee labada dal dhex maray sannadkii 1960-kii, taasina ay sababtay in heshiiskaasi noqdo mid sharci ahaan buray. Wuxuu sidoo kale xusay in Somaliland ay 26-kii June 1960-kii ahayd dal madax-bannaan oo helay aqoonsi caalami ah, isla markaana Somaliland ay leedahay sharciyad iyo taariikh u gaar ah.

Sida lagu sheegay warbixin oo Wargeyska Dawan ka soo xigtay AfriNews 24, Jason McCue ayaa si weyn u ammaanay shacabka Somaliland, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey dhaqankooda, nabadda iyo horumarka ay gaadheen. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in adkaysiga shacabka, juqraafiga istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo khayraadka dabiiciga ahi ay yihiin Jowharad saldhig u noqon karta aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland.

Qareenkan caalamiga ah Mr. Jason McCue waxa uu sidoo kale bogaadiyey dadaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo xukuumaddiisa ee ku aaddan xoojinta xidhiidhada caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah ugu bogaadiyay Madaxweynaha furitaanka machadkan cusub ee lagu xoojinayo aqoonsiga iyo qaddiyadda Somaliland, kaas oo uu ku tilmaamay dhaxal sharci oo ay jiilasha dambe ka shaqayn doonaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay soo ifbaxayso caddaaladda Somaliland, iyo maalintii qarankani muddada dheer sugayay. Qareenku wuxuu intaas ku daray in marka ay timaaddo maalintaasi ay shacabka Somaliland u dabbaaldegi doonaan madax-bannaanidoodii 26-ka June 1960-kii, iyagoo si nabad iyo dib-u-heshiisiin ah u soo dhoweyn doona dhammaan walaalaha ka socda Geeska Afrika.