Dib U Eegid: Havertz Oo Sameeyay Rikoodh Uu Ronaldo Hore U Dhigay

0
47

Xiddiga kooxda Arsenal ee Kai Havertz ayaa isku qoray taariikhda champions league. Havertz ayaa dhaliyay goolka furitaanka Final Champions league.

xiddiga reer Germany ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Arsenal daqiiqadii 5-aad.

Xiddiga aya noqday xiddigii 3-aad ee laba kooxood oo kala duwan u dhaliyay gool final Champions league.

Havertz ayaa hore final Champions league ugu dhaliyay kooxda Chelsea, haatana u dhaliyay Kooxda Arsenal.

Xiddigaha uu Havertz wadadooda maray ayaa kala ah Cristiano Ronaldo (Man Utd, Real Madrid)

Mario Mandzukic (Juventus, Bayern Munich)

Sidoo kale Kai Havertz ayaa noqday kaliya xiddiga 2-aad ee ku bilowda gool laba final Champions league isaga oo u ciyaaraya laba kooxood oo kala duwan kadib Ashley Cole oo sidaas sameeyay isaga oo u ciyaaraya Chelsea iyo Arsenal.