Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa, Md. Cabdikariim Axmed Mooge, oo sidoo kale ahaa Guddoomiyihii Ururka Dawladaha Hoose ee ALGASL, ayaa si rasmi ah xilka Guddoomiyenimo ee ururka ugu wareejiyey Duqa cusub ee Caasimadda Hargeysa, Md. Eng. Cabdiraasaq Maxamed Faarax “Wiiwaa”. Xil-wareejintan ayaa lagu tilmaamay in ay ahayd mid ka tarjumaysa nidaam dawladnimo oo ku dhisan hufnaan, kala dambayn iyo sii wadidda adeegyada bulshada.
Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha Golaha Sare ee ALGASL, oo ka kooban 11 Mayar, kuwaas oo si joogto ah u haga una maamula siyaasadaha, qorshayaasha iyo hawlaha Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland. Ka qaybgalka ballaadhan ee madaxda dawladaha hoose ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay hay’addan isku xidhka ah ee ka shaqaysa horumarinta maamulka degmooyinka dalka.
ALGASL waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa isku dubbaridka hawlaha dawladaha hoose, kor u qaadista tayada adeegyada bulshada, iyo dejinta istaraatiijiyado lagu horumarinayo maamul daadejinta. Sidaas darteed, xil-wareejinta hoggaaminta Ururka Dawladaha Hoose ee ALGASL, maaha oo kaliya isbeddel shaqsi, balse waa sii socoshada mas’uuliyad qaran oo saamayn ku leh maamulka magaalooyinka dalka oo dhan.
Cabdikariin Axmed Mooge, oo xilka wareejinaya, ayaa lagu xasuusan doonaa muddadii uu hoggaaminayey ALGASL iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa dadaalladii uu ku bixiyey hagaajinta adeegyada bulshada, kor u qaadista isla xisaabtanka iyo xoojinta wada-shaqaynta dawladaha hoose. Tallaabada uu ku wareejiyey xilka ayaa muujinaysa bisayl hoggaamineed iyo ixtiraam uu u hayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee kala guurka xukunka.
Dhanka kale, Maayarka cusub ee Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdiraasaq Maxamed Faarax “Wiiwaa”, oo si rasmi ah ula wareegaya xilkan, ayaa sheegay hoggaamina ururkani ay tahay masuuliyad culus oo u baahan hogaamin, qorsheyn iyo sii wadidda horumarka ay magaalooyinku u baahan yihiin. Ka mid ahaanshihiisa Golaha Sare ee ALGASL waxay siinaysaa fursad uu si dhow ugu fahmo caqabadaha iyo fursadaha ka jira dawladaha hoose ee dalka.
Xil-wareejintani waxay sidoo kale xoojinaysaa sawirka Somaliland ee ku saabsan nidaam dawladnimo oo ku dhisan kala dambayn iyo sharci, halkaas oo hoggaanku u kala wareego si nabad ah oo hufan. Tani waa tiir muhiim ah oo lagu cabbiro horumarka hay’adaha dowliga ah iyo kalsoonida shacabka.
ALGASL oo ah madal mideysa 11-ka Mayar ee dalka ayaa sii ahaan doonta xarunta isku xidhka siyaasadaha iyo qorshayaasha dawladaha hoose ee degmooyinka Jamhuuriyadda Somailland, iyadoo door weyn ka qaadanaysa horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida nadaafadda, qorshaynta magaalooyinka, iyo bixinta adeegyada bulshada.
Xil-wareejinta ALGASL waxay muujinaysaa in hoggaanka dawladaha hoose ee Somaliland uu ku socdo waddo hufan oo ku dhisan nidaam, isla xisaabtan iyo sii wadidda horumarka. Waa tusaale cad oo muujinaya in hay’adaha dowliga ah ay si nabad ah oo sharci ah u kala wareegi karaan masuuliyadda, taasoo xoojinaysa kalsoonida shacabka iyo tayada maamulka guud ee dalka.
Dhinaca kale, Maayarka cusub ee Caasimadda Hargeysa, Eng. C/Risaaq Maxamed Faarax “Wiiwaa”, iyo Maayar Ku-xigeenkiisa, Eng. Aadan Jaamac Xadi Mideeye, ayaa todobaadkan si rasmi ah u bilaabay gudashada waajibaadkooda maamulka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa. Tani waxay calaamad u tahay isbeddel hufan oo hoggaan, taas oo ku salaysan diyaar-garow, firfircooni, iyo dareen masuuliyadeed oo sare, iyagoo isla markiiba u dareeray hawlaha muhiimka ah ee maamulka magaalada.
Shaqadooda ugu horreysa, Maayarka iyo ku-xigeenkiisu waxay ku bilaabeen shir toddobaadle ah oo lagu qabto xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa, shirkaas oo ay ka qaybgaleen guddoomiyeyaasha waaxyaha, agaasimayaasha, madaxda xafiisyada iyo masuuliyiinta kale ee kala duwan. Kulankan muhiimka ah wuxuu u adeegaa sidii madal lagu falanqeynayo waxqabadkii toddobaadka, qorshayaasha mustaqbalka, caqabadaha jira, iyo warbixinaha la xidhiidha adeegyada bulshada. Waxa uu sidoo kale fursad siinayaa masuul kasta inuu ku soo bandhigo horumarkiisa iyo sida uu u gudanayo waajibaadkiisa, halkaas oo lagula xisaabtamo heerka hufnaanta iyo daacadnimada shaqo.
In kasta oo ay xilka si rasmi ah ula wareegeen todobaadkan, haddana Maayarka cusub iyo Maayar Ku-xigeenkiisu waxay si degdeg ah bilaabeen hawlahooda shaqo si aanu wakhti lumis u dhicin muddada kala guurka, Waxay isla markiiba u diyaar garoobeen hawshii ugu horreysay, taas oo muujineysa sida ay uga go’an tahay inay si hufan, hawlkarnimo leh, iyo masuuliyad sare ku dheehan tahay ugu adeegaan shacabka Caasimadda Hargeysa. Tallaabadan degdegga ah ee ay qaadeen waxay muujineysaa aragtidooda ku aaddan dardargelinta adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha magaalada, iyo xaqiijinta nidaam maamul oo hufan oo ka turjumaya rabitaanka dadweynaha.
Maayarka cusub iyo Maayar Ku-xigeenkiisu waxay tusaale cad u yihiin hoggaan firfircoon oo ka turjumaya bisayl siyaasadeed iyo u heellanaanta adeegtada bulshada. Bilowga hawlgalkan cusub wuxuu sidoo kale muujinayaa sida Dawladda Hoose ee Hargeysa ay uga go’an tahay ilaalinta isku-xidhka maamulka, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo xoojinta kalsoonida muwaadiniinta ee hay’adaha dowliga ah.























