Hay’adda MSF oo ka Qaylisay Faafitaanka Cudurka Ebola iyo Halistiisa DR Congo

0
48

Hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa ka digtay faafitaanka degdegga ah ee Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) taas oo abuurtay xaalad “aad looga naxo”.

Isaga oo ka hadlayay laba toddobaad kadib markii uu cudurka dillaacay, agaasime ku xigeenka MSF Dr Alan Gonzales wuxuu sheegay in aan waligood la diiwaan gelin “kiisas badan” oo sidan oo kale ah dhowaan.

Hadalkiisa ayaa yimid iyada oo madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu booqday gobolka bariga Congo ee Ituri – oo ah meesha ugu daran ee uu saameeyay cudurka – si uu u kormeero dadaallada lagu xakameynayo fayraska.

Hadda waxaa jira in ka badan 1,000 oo kiis oo looga shakisan yahay Ebola oo ka dhacay DR Congo, iyo ugu yaraan 246 dhimasho. Dalka deriska la ah ee Uganda ayaa soo sheegay sagaal kiis oo la xaqiijiyay iyo hal dhimasho.

 

“Laba toddobaad ka dib markii lagu dhawaaqay in cudurka Ebola uu ka dillaacay Gobolka Ituri, xaaladdu aad bay u walaac badan tahay,” ayuu yidhi Gonzalez oo hadalkan soo saaray Sabtidii. “Weligeed hore uma dhicin in cudurka Ebola uu soo rito kiisas badan isla markii lagu dhawaaqay,”. Gonzalez wuxuu intaas ku daray in dadaallada xakamaynta iyo gaadhsiinta gargaarka bani’aadamnimada ay dib u dhigayaan “caqabado waaweyn”, oo ay ku jiraan xidhitaanka xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha.

WHO ayaa si isdaba joog ah uga digtay in colaadaha ka socda DR Congo ay sidoo kale si weyn u carqaladeynayaan jawaabta cudurka Ebola.

Kadib markii uu Sabtidii gaadhay caasimadda gobolka Ituri ee Bunia, Tedros wuxuu sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay ku sugan yihiin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo “si ay u arkaan sida jawaabtu u socoto iyo haddii ay jiraan caqabado la caawin karo”.

Wuxuu ku boorriyay bulshooyinka ku nool badhtamaha cudurka inay door weyn ka ciyaaraan la dagaallanka cudurka.

Bukaanada qaba Ebola waxay u baahan yihiin in la karantiilo, laakiin  Magaalada Bunia, nolol maalmeedku waxay u muuqataa mid aan isbeddelin. Dadku waxay sii wadaan inay wareegaan, ganacsi sameeyaan oo ay sii wataan hawlahooda caadiga ah.