“Fadliga Bisha Muxaram iyo Ahmiyada ay Leedahay

0
69

 

Bisha Alle Muxaram waa bil barakeysan oo weyn, waana bishii koowaad ee sanadka Hijriyada, waana bil ka mid ah bilaha xurmada leh ee uu Alle ku ku sheegay Kitaabkiisa, waxa uu yidhi: “Tirada bilaha Ilaahay agtiisa waa laba iyo toban bilood kitaabka Alle, maalintii uu abuuray samooyinka iyo dhulka, afar ka mid ahna waa kuwa xurma leh, sidaas waa Diinta toosan ee qiimeeya oo ha ku dulminina nafihiina” (Towba 36).

Nebiguna (scw) xadiis ayuu ku sheegay uu ka wariyey Abuu Bakar Sidiiq (Rc), waxa uu yidhi “Sannadku waa laba iyo toban bilood, afar ka mid ah ayaa xurmaysan, saddex way isku xigaan: Dul-Qacdah, Dul-Xijjah iyo Muxaram, iyo Rajab oo bisha 7aad ah una dhaxaysa Jumaado Aakhir iyo Shacbaan. Waxaa soo saaray Al-Bukhaari 2958.

Walayaal waxay isku baraarujinaynaa bishan camallada la qabanayo, sida uu Nebigu uga faa’iidaysan jiray bishan iyo sida uu asxaabta ugu baraarujin jiray. Arrimo badan ayaa bishan fadligeeda ka mid ah, waxaa kale oo ka mid ah Soomka maalinta cashuura oo bishan tobankeeda ah, waxaan eegaynaa daliilada ku soo arooray camallada bishan la qabto.

Bishan Ilaahay ayaa loo nisbeeyey sida uu Nebigu inoo sheegay. Xadiis saxeex ah oo Abu Hurayra werinayo, Nebigu waxa uu ku yidhi “Soom la soomo marka laga tago bisha Ramadaan ee Faralka ah, waa bisha Ilaahay ee Muxaram”. Bilaha oo dhan Ilaahay ayaa leh laakiin Ilaahay si gaar ah ayuu Ilaahay isugu nisbeeyey bisha Muxaram, sidaa awgeed maadaama Ilaahay loo nisbeeyey fadli gaar ah ayey leedahay.

Bishan waxa ku jira Soomka maalinta cashuura oo fadli weyn leh. Nebigu waxa uu tegay Madiina bishan Muxaram wuxuu arkay Yuhuudii Madiina oo sooman waxa uu ku yidhi “Maalinkan aad soomaysaan muxuu yahay?”. Waxay yidhaahdeen waa maalintii Ilaahay badbaadiyey Nebi Muuse iyo reer Banu Isra’iil, isla markaana la halaagay Fircoon. Nebigu waxa uu ku yidhi “Anigaaba Nebi Muuse idinka xiga oo Ambiyo ayaa isku nahay”, Nebigu wuu soomay, asxaabta iyo ummadana waxa uu amray in ay soomaan.

Soomka la soomayo Cashuura culimadu waxay ku tilmaamaan inuu ahaa waajib intii aan la waajibin soomka Ramadaan, laakiin markii la waajibiyey Ramadaan, soomka cashuura waa la nasakhay oo sunne ayuu noqday. Maalinta Soomka cashuura markuu Nebigu ka waramayey wuxuu yidhi “Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa ama aan ajar kaga doonayaa inuu igaga dhaafo soomanka inuu igaga dhaafo wixii aan denbi iga dhacay sanadkii la soo dhaafay”, markaa maalintaa soomkeeda waxa lagu helayaa sanad denbi dhaafkii.

Waxa kale oo aan is xasuusinaynaa in Nebiga ay ka sugnaatay sida wanaagsana ah in la soomo maalinta 9aad iyo maalinta 10-aad. Ibnu Cabaas xadiis uu warinayo oo Muslim ku sugan Markii nebigu bixiyey amarka ah in la soomo maalinta cashuura oo 10-ka bisha ah, asxaabtu waxay yidhaahdeen maalintan waxa weynaya Yuhuuda markaa Nebigu waxa uu yidhi “Sanadka soo socda marka uu yimaado waxaynu soomi maalinta 9-aad”. Macnuhu waxa weeye maalinta 9aad ayeynu ku dari doonaa oo maalintii 10aadna sideedii ayeynu u soomi, waayo culimada qaar ayaa u fasiray in maalinta 10-aad la iska daayey oo maalinta 9-aad la qaatay. Xikmada loo soomayo maalinta 9-aad waa dhowr arrimood : ugu horayn in la khilaafo Yuhuuda, ta kale in laysku xidhiidhiyo maalinta 9-aad iyo maalinta 10-aad, sidii loo yidhi “Markaad jimce soonta raaci maalinta ku xigta”, arrinta kale waxay tahay iyada oo loo dedaalayo maalinta 10aad soomkiisa oo hadii aad la seegto tobankii inuu soomkii sagaalka kuugu dhaco.

Soomka maalinta tobanaad denbiga lagu dhaafayaa waa kee? Iimaamu Nebawi waxa uu leeyahay markii uu soo ururiyey Aqwaasha culimada waxa uu yidhi “Denbiga yar waa lagu dhaafayaa, denbiga weyna wuu fududaynayaa”. Oo sida la ogsoon yahay denbiga weyn ee aynu gala isagu Towbad buu u baahan yahay oo Ilaahay baa looga toobad keenayaa, laakiin Rabi soonkan waa uu fududaynayaa.

Maalinta cashuura sida nasuustu dheegtay ayeynu u raacaynaa, oo hadigii Nebiga, asxaabteenii iyo Selefka saalix ah ayeynu ka raacaynaa. Laakiin ummadaha muslimiinta sheeganaya waxa jira kuwa qaloocday oo si kale u aaminsan Cashuura. Tusaale Shiicadu waxay Yoomu cashuura u aaminsan yihiin maalin murugo oo la baroorto, waxaanay ku xusaan in ay is dilaan oo jidhkooda Sil-silado la dhacaan, madaxana Faashash. Waxay leeyihiin dilkii Xuseen Cali Binu Abii Daalib ayaa loo barooranayaa, waa la arki doonaa maalmaha soo socda iyaga oo samaynaya waa in laga feegjignaado.

Waa sawir fool xun oo laga muujiyo ummada Muslimiinta, waxaana taageera Gaalada iyaga oo bahdilaya diinta Islaamka. Qoylo kale oo iyagu Shiicada ka sii daran oo had iyo jeer la colaadtama Cali Binu Abi Daalib iyo Ehelu baytka, waxa la yidhaahdaa Nawaasib, maalmahan waxay ka dhigteen maalmo ay dabaal degaan, waxaanay ku digtaan dilkii Xuseen iyaga oo Shiicada la ficiltamaya.