Trump oo soo Bandhigay Diyaaraddii ay Qatar siisay ee Air Force One

0
71

Madaxweyne Donald Trump ayaa soo bandhigay diyaarad cusub oo Boeing 747-8 ah oo noqon doonta Air Force One taas oo ay bixisay dawladda Qatar Trump sannadkii hore iyada oo ku sheegtay “Hadyad aan shuruud lahayn” oo ay siisay Maraykanka.

Milatariga Maraykanka ayaa dhammeeyay wax ka beddelka diyaaradda raaxada ee jumbo, taas oo qiimaheedu lagu qiyaasay $400m (£300m).

“Diyaaraddani waa Aqalka Cad oo duulaya oo heer raaxo ah oo aan cidina hore u arag,” ayuu Trump ku yidhi khudbad uu ka jeediyay Joint Base Andrews Jimcihii.

Ciidamada Cirka ee Maraykanka ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in diyaaraddu ay bilaabi doonto duullimaadyada ugu horreeya, ka dib “imtixaan kama dambays ah” si loo tijaabiyo wax-ka-beddelka diyaaradda – ka hor inta aan loo isticmaalin in lagu qaado madaxweynaha.

Wax ka beddelka diyaaradda waxaa ka mid ahaa casriyeynta amniga, isgaadhsiinta hawlgalka, taageerada saadka, iyo tignoolajiyada horumarsan, ayaa lagu yidhi warka Ciidanka Cirka. Sidaas oo kale wax kasta oo khatar ah oo ka iman kara ayaa la dersay”, sida warku sheegay.

Gudaha diyaaradda si yar ayaa loo beddelay, dibaddana waxaa lagu rinjiyeeyay casaan, caddaan, buluug iyo dahabi cusub.

Bishii Maajo 2025, qoyska boqortooyada Qatar ayaa ugu deeqay diyaaraddan raaxada ah ee Boeing 747-8 Waaxda Difaaca Maraykanka si loogu isticmaalo qayb ka mid ah diyaaradaha loogu magac daray Air Force One, kuwaas oo bixiya gaadiidka cirka ee madaxweynaha.

Markii warka ku saabsan hadiyadda diyaaradda la shaaciyay sannadkii hore, waxa ka dhashay hadal hayn. Dadka dhaliila ayaa ku dooday in aqbalaadda deeqda qiimaha sare leh ay keento iska horimaad dano shakhsiyadeed ah oo laga yaabo inay tahay mid aan dastuurka waafaqsayn.

Iyada oo sharciga federaalku uu tilmaamayo in mas’uuliyiinta Maraykanku inay aqbali karaan oo keliya hadiyado ka yar $480, Aqalka Cad ayaa ku adkeystay in aqbalaadda diyaaradda ay sharci tahay , wuxuuna ballanqaaday in loogu deeqi doono maktabadda madaxweynaha ee Trump marka uu xilka ka tago.

“Shaqada diyaaraddan waa marka aad aragto, ma rumaysan doontid,” ayuu Trump ku yidhi khudbaddiisa.