Maareeyaha Madbacadda Qaranka oo Sharraxay Shaqada Madbacada iyo Doorkeeda Dakhliga Somaliland

0
70

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Cabdiraxmaan Abees) iyo Maareeye ku xigeenka Cabdixakiin Muuse Cali, ayaa shalay hor tegay Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Somaliland, halkaas oo ay kaga warbixiyeen shaqada baaxadda leh ee wakaaladdu u hayso qaranka, higsiga mustaqbalka, iyo horumarinta adeegyada daabacaadda iyo maamulka buug-dakhliyeedka dalka.

Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka, oo hoggaaminayay masuuliyiinta Wakaaladda Madbacadda Qaranka, ayaa guddi-hoosaadka uga sharraxay shaqada muhiimka ah ee wakaaladdu u hayso qaranka, muhiimaddeeda dowladnimo, iyo waxqabadka u qabsoomay muddadii ay xilka hayeen, iyaga oo sidoo kale faahfaahiyay qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka.

Maareeye Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Cabdiraxmaan Abees) ayaa tilmaamay in Madbacadda Qaranku ay tahay isha aasaasiga ah ee daabacaadda qaranka, isla markaana ay kaalin muhiim ah ka qaadato habsami u socodka nidaamka dakhliga dalka, gaar ahaan maamulka iyo daabacaadda buug-dakhliyeedka kala duwan ee dowladda. Waxa uu intaa ku daray in ay hiigsanayaan in la casriyeeyo adeegyada daabacaadda Madbacadda Qaranka, si loo kordhiyo hufnaanta iyo tayada shaqada ay qaranka u hayaan.

Maareeyaha ayaa sidoo kale xusay in baahi weyn loo qabo xeer nidaamiye rasmi ah oo lagu hago Wakaaladda Madbacadda Qaranka, isagoo ballan qaaday in horumarinta iyo casriyeynta wakaaladdu ay tahay mudnaanta koowaad ee ay u taagan yihiin. Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay wakaaladda “mishiinka ugu muhiimsan ee wax-soo-saarka dakhliga dalka.”

Dhanka kale, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa soo dhaweeyay warbixinta iyo sharaxaadda ay bixiyeen masuuliyiinta Wakaaladda Madbacadda Qaranka. Xildhibaanada guddiga ayaa dhankooda weydiiyay su’aalo la xidhiidha shaqada wakaaladda iyo doorkeeda qaranka, kuwaas oo ay masuuliyiintu si faahfaahsan uga jawaabeen Maareeyaha, ku xigeenkiisa iyo masuuliyiinta kale ee kulanka ku wehelinayay.

Ugu dambayn, kulanka labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqaynta iyo joogtaynta kulamada noocan oo kale ah.