“Dalka Somaliland Tusaale Diimeed Ayuu u Yahay Dalalka Islaamka ah”

0
31

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in Somaliland ay tusaale u tahay dalalka Islaamka, gaar ahaan dhinaca ku dhaqanka diinta Islaamka. Wasiirku waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada bulshada, wadajirka qaranka iyo xorriyadda diimeed ee dalka ka jirta, isaga oo xusay in qiyamkaas ay saldhig u yihiin nabadda iyo xasilloonida Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu shacabka ku boorriyey inay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara kala qaybsanaan, isla markaana ay xoogga saaraan ilaalinta wadajirka iyo xasilloonida dalka. Waxa uu tilmaamay inay jiraan dad ku hawlan faafinta naxliga iyo xumaanta lagu doonayo in lagu kala fogeeyo bulshada. Wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay inaanay dheg u dhigin fariimaha noocaas ah, balse ay si wadajir ah uga hortagaan wax kasta oo dhaawici kara nabadda iyo midnimada qaranka.

“Dalka Somaliland tusaale diimeed ayuu u yahay dalalka Islaamka ah, waxaannu nahay dad sunni ah oo diintooda ku adag %100, sidaa darteed dhangagaalaha aynu warkiina gees iska dhigno oo albaabka Madaxwaynuhu wuu furan yahaye xorriyada diimeed ee aynu dalka ku haysano aan ku garab istaagno Madaxwaynaha iyo xukuumaddaba,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta JSL, Barkhad Jaamac Batuun

Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay mudnaan siinayso kor u qaadista diinta Islaamka, taageeridda culimada iyo ilaalinta xorriyadda diimeed ee uu damaanad-qaadayo Dastuurka Somaliland. Waxaanu yidhi.”Madashan Quraanka lagu waynaynayo kharashka ku baxaya Madaxweynuhu mushaharkiisa ayuu ka bixiyay. Sidoo kale, Culimada Somaliland sharaf ayay mudan yihiin. Dhangagaale badan ayaa jira, dad dhib ka shaqaynaya ayaa jira. Somaliland ahaan waxaynu nahay dad Islaam ah oo suniya boqol-kii boqol oo diintooda ku adag ayaynu nahay. Albaabka Madaxweynuhuna wuu idiin furan yahay, sidaa darteed mar kasta xoriyadda diimeed ee dastuurkeenu inoo balanqaaday aynu Xukuumadda ku garab-istaagno, waxa aan isleeyahay waa Madaxweyne diimeed Cabdiraxmaa, Markii uu tegay dalalka ay wax inaga dhaxeeyaan isaga oo calankeena tawxiidka leh wata ayuu bisinka hadalkiisa ku furay, isaga oo u sheegay in aynu nahay lix Milyan oo muslimiin ah. Markaa waxaan leeyahay Ictiraafkeena yaan la ciidaynin, dad islaamnimadooda ku adag ayaynu nahay, waxaynu nahay dad diintooda quwaynaya, laakiin yaan laysku xidhin Cilaaqaadka iyo Caqiidada”.