Hargeysa (Dawan) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somalialnd, Cabdalle Maxamed Carab “Sandheere”, ayaa sheegay in xukuumaddu dadaal xooggan gelisay sidii nabad waarta loogu soo celin lahaa deegaannada galbeedka Somaliland, isaga oo muujiyey rejo ah in dhawaan la gaadhi doono is-afgarad iyo heshiis nabadeed oo buuxa.
Wasiirku wuxuu xusay in nabaddu ay muhiim u tahay cid walba, sidoo kalena todobaadka soo socda la maqli doono war farxad leh oo la xidhiidha soo afjaridda colaadda labada beelood ee ka taagan gobolada Awdal iyo Salel ee galbeedka Somaliland.
“Dowladdu arrinta colaadda Galbeedka dadaal badan ayay galisay in nabad lagu soo celiyo. Inshallah todobaadka soo socda war farxad leh ayaad ka maqli doontaan oo xukuumaddu amniga soo gabagabayso oo dadkaas walaalaha ahna ay gacanta isa saaraan.” Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Cabdalle Sandheere.




















