Hargeysa (Dawan) Shirka 9aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa, iyadoo ay ka qayb galeen hoggaanka sare ee xisbiga, xubnaha Golaha Dhexe iyo marti sharaf kale. Shirka Golaha Dhexe ayaa lagu ansixiyey 211 xubnood oo cusub oo lagu daray Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, taas oo tirada guud ee golaha ka dhigtay 576 xubnood.
Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, u doortay musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga uga qayb-galaya tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland, kadib markii uu helay codadka 409 xubnood oo ka mid ah xubnaha Golaha Dhexe. Sidoo kale, Golaha Dhexe ayaa Dr. Maxamed Maxamuud Cabdillaahi (Shiine) u doortay musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale, Shirka 9aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxa kale oo lagu doortay masuuliyiinta cusub ee hoggaanka Golaha Dhexe, iyadoo Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) loo doortay Guddoomiyaha Golaha Dhexe, halka Axmed Maxamuud Jaamac loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Dhexe. Sidoo kale, Xirsi Cabdillaahi Xirsi ayaa loo doortay Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE.
Shirka 9aad ee Golaha Dhexe ee KULMIYE ayaa noqonaya madal ay xisbiga ku sii diyaarinayo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka, isla markaana lagu xoojinayo qaab-dhismeedka hoggaanka xisbiga iyo diyaar-garowga doorashooyinka soo socda.




















