Saxaabiga Anas binu Maalik (Rc) wuxuu yidhi: “Nabiga (scw) ayaa soo ag maray haweeney uu ka dhintay wiilkeedii kana ooyaysa qabrigiisa dushiisa”. Markaasi ayuu ku yidhi: “Allah ka baqo oo sabir”. Gabadhu may garanayn Nebiga (cw) waxayna si cadho leh ku tidhi: “iga tag; waxa igu dhacay kuguma dhicine”. Wax yar ka dib qof baa u sheegay inuu ahaa Nabiga (scw) Markaasi ayay tagtay gurigii nebiga (scw) way u gashay waxayna kuna tidhi: “Kuma aan garaneyn.” Wuxuu Rasuulka Allah (scw) yidhi : ‘Sabirku waa inaad yeelato adkeysi oo aad isu dhiibto (Qaddarka Alle) marka ay dhibaatadu kugu dhacdo.’ (Bukhaari iyo Muslim).




















