Halyeey Fransiis Ah Oo Kabaha La Dulmaray ‎Cristiano Ronaldo Kadib Dagaalkii Uu La Galay ‎Tababarihiisa

0
5

Xiddigii hore ee xulka France, Christophe Dugarry, ayaa si adag u dhaleeceeyay ‎Cristiano Ronaldo kadib markii uu ka baxay xerada xulka Portugal, isagoo su’aal ka ‎keenay dhaqanka iyo isla weynida kabtanka.‎

Ronaldo ayaa xulka Portugal ku soo laabtay bishii hore, isagoo la shaqeynayay ‎tababaraha cusub Jorge Jesus. Waxa uu ciyaaray kulankii Wales, kaasoo Portugal ay 1-0 ‎ku badisay.‎

Si kastaba, Ronaldo ayaa kursiga keydka ku jiray kulankii xigay ee Norway, inkastoo ‎Portugal ay 2-1 ku badisay. Kadib markii Jesus u sheegay in sidoo kale keydka lagu soo ‎bilaabi doono kulanka Denmark, Ronaldo ayaa ka baxay xerada xulka.‎

Dugarry ayaa arrintaas ku dhaliilay Ronaldo isagoo ka hadlayay RMC Sport.‎

‎“Waan ku daalay ka hadalka arrintan. Waa wax laga xumaado in qofku ixtiraam darro u ‎muujiyo dalkiisa iyo dadka ay isku waddanka yihiin. Taasi ma ahayn sawirkii uu hore u ‎muujin jiray,” ayuu yidhi.‎

‎“Wuxuu ahaa qof caafimaad qaba, taageera dadka kale, deeqsi ah. Laakiin hadda ‎waxaan dareemayaa inuu isbeddelay, isla weyni in uu bilihii u dambeeyay muujinayo.”‎

Dugarry ayaa sheegay in Ronaldo uu fursad u haystay inuu xulka ka fariisto isagoo ‎sharaf weyn kaga tagaya, balse hadda arrintu ay dhaawacantay.‎

‎“Sidee loo filan karaa inuu soo laabto? Maxay tahay ujeeddadu? Fariin noocee ah ayaad ‎u diraysaa ciyaartoyda da’da yar ee Portugal?” ayuu sii raaciyay.‎

Dugarry wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in Portugal ay si wanaagsan u ciyaarto ‎marka Ronaldo uusan joogin, isagoo ku booriyay inuu door ka qaato la-talinta iyo ‎diyaarinta jiilka xiga.‎