Kenya Insights: Miisaanka Istaratijiga ah ee Somaliland oo sii Kordhaya iyo Washington oo Indhaha ku-haysa”

0
8

Warbixin: Somaliland waxay si isa soo Taraysa uga dhex muuqata Xisaabta Istaraatiijiga ah ee Maraykanka”

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta Kenya Insights ayaa sheegtay in miisaanka istaraatiijiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland uu si weyn u sii xoogaysanayo, xilli Washington ay sii kordhinayso danaynteeda ku aaddan muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera iyo goobta ay kaga taallo marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed.

Warbixintu waxay xustay in isbeddellada cusub ee ka socda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay mar kale iftiimiyeen muhiimadda juqraafiyadeed ee Somaliland, iyadoo si gaar ah loo tilmaamay Berbera oo ku dhow marin-biyoodka Bab el-Mandeb, oo ah marin muhiim u ah isku socodka ganacsiga caalamiga ah ee u dhexeeya Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys.

Kenya Insights ayaa falanqaysay sida siyaasadda Washington ee Geeska Afrika ay u yeelanayso dhinacyo cusub, iyadoo Somaliland ay si isa soo taraysa ugu dhex muuqanayso xisaabaha istaraatiijiga ah e dawladda Maraykanka iyo guud ahaan xiisaha caalamiga ah ee la xidhiidha doodaha amniga Badda Cas, ganacsiga caalamiga ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in booqashadii Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku tagay Washington ay soo bandhigay fursadaha istaraatiijiga ah iyo kuwa dhaqaale ee Somaliland leedahay. Iyadoo kulamadii ka dhacay Washington iyo New York diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen muhiimadda Dekedda Berbera iyo Garoonka Caalamiga ah ee Berbera, khayraadka macdanta, fursadaha iskaashi ee dhinaca amniga iyo goobta juqraafiyeed ee Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed.

Warbixinru waxay tilmaantay in arrintani ay muujinayso in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Maraykanku aanay ku koobnayn oo keliya arrinta aqoonsiga, balse ay sii ballaadhanayso, isla markaana ay leedahay dhinacyo kale oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dano dhaqaale, amni iyo istaraatiijiyadeed. Sidoo kale waxa laugu xusay warbixinta muhiimadda magaalo xeebeeda Berbera, taas oo warbixintu ku tilmaanay qodobada ugu muhiimsan ee Somaliland ka dhigaya meel ay si gaar ah u danaynqyqan quwadaha caalamka.

Kenya Insights waxay xustay in Dekedda Dekeda Berbera ay ku taallao xeebta Gacanka Cadmeed, iyadoo u dhow Bab el-Mandeb, oo ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Sida ay sheegtay warbixintu, muhiimadda Berbera kuma koobna arrimaha Somaliland oo keliya, balse waxay si dhow ula xidhiidhaa amniga iyo ganacsiga marinnada badda ee caalamiga ah.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay saamaynta go’aankii ay Israel ku aqoonsatau Somaliland 26-kii December 2025. Iyada oo tilmaantay in tallaabadaasi ay Somaliland u abuurtay marxalad cusub oo diblomaasiyadeed iyo fursado badan oo istaraatiiji ah. Sidoo kale waxay xustay, in Washington ay muujinayso marxalad cusub oo la xidhiidha xiisaha iyo danaynta Somaliland in kasta oo Maraykanku aanu weli si rasmi ah u aqoonsan. Waxa kale oo ay sheegtay in Washington ay diiradda ssarayso dano amni, dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed. Maadaama ay, Somaliland ku taallo goob istaraatiiji ah oo u dhow mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan dunida.

Warbixinta ayaa tilmaantay in isku dhaca danahan istaraatiiga ah ee dawladda Maraykanka iyo humiimadda gobolka Geeska Afrika ay Somaliland ka dhigeen meel si gaar ah u soo jiidanaysa indhaha siyaasiyiinta, diblumaasiyionta iyo hay’adaha amniga ee Washington.

Warbixinta Kenya Insights waxay iftiiminaysaa sida Somaliland ay si isa soo taraysa ugu dhex muuqanayso xisaabta istaraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Marka la eego xogta ay soo bandhigtay Kenya Insights, Somaliland waxay leedahay dhowr arrimood oo kor u qaadaya miisaankeeda istaraatiijiga ah: goob juqraafiyeed muhiim ah, Dekedda Berbera, Garoonka Caalamiga ah ee Berbera iyo u-dhowaanshaha marinnada Badda Cas.