Somaliland: Maxaabiista oo Loo Qabanayo Tartan Guulaystaha Xadhigga Laga Dhimi Doono

0
8

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caddaaladda, Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis, aliland ayaa shaaciyay qorshe cusub oo maxaabiista dalka loogu qabanayo tartan Qur’aanka Kariimka ah, iyadoo maxaabiista ku guulaysata tartanka laga dhimi doono muddada xadhigooda. Wasiirka ayaa sheegay in tartankan uu qayb ka yahay barnaamij dhiirigelin ah oo loogu talagalay maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka, si ay waqtigooda ugu faa’iidaystaan barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka ah.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caddaaladda, Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis, waxa kale oo uu sheegay in tartankani uu qayb ka yahay barnaamij dhiirigelin ah oo loogu talagalay maxaabiista ku jirta xabsiyada Somaliland, si ay waqtiga ay ku jiraan xabsiyada uga faa’iidaystaan barashada, akhriska iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka ah. “Waxa aanu soo wadnaa tartan Qur’aanka Kariimka ah oo loo qabanayo dadka xabsiyada ku jira, maxaabiista guulaysata uu xadhigu ka yaraado,” ayuu yidhi Wasiir Yoonis Axmed Yoonis.

Mudane Yoonis Axmed Yoonis, Wasaaradda Horumarinta Caddaaladda, Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tilmaamay in barnaamijkani yahay fursad wax-ku-ool ah oo maxaabiista lagu dhiirigelinayo, isla markaana ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradaha Horumarinta Caddaaladda iyo Diinta iyo Awqaafta. Waxaanu yidhi “Waa barnaamij dhiirigelin ah, maxaabiistana faa’iido u ah.”

Tartanka ayaa la filayaa inuu maxaabiista ku dhiirigeliyo inay waqtigooda ka faa’iidaystaan, iyagoo xoogga saaraya barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka ah, isla markaana horumarinaya akhlaaqda iyo hab-dhaqanka wanaagsan inta ay ku jiraan xabsiyada. Tallaabadan ay qaadday Wasaaradda Horumarinta Caddaaladda ayaa ah dhiirigelin la xidhiidha dadaallada lagu taageerayo maxaabiista, iyadoo guusha tartanka lagu xidhayo faa’iido la taaban karo oo ah in laga yareeyo muddada xadhigga.

Barnaamijkan waxa uu qayb weyn ka yahay dadaallada lagu doonayo in muddada xabsigu aanay maxaabiista u noqon oo keliya waqti ciqaab ah, balse ay u noqoto fursad ay ku helaan waxbarasho, tarbiyeysan iyo dib-u-habayn akhlaaqeed, si ay marka ay xabsiga ka baxaan ugu soo laabtaan bulshada iyagoo leh xirfado iyo hab-dhaqan wanaagsan.

Qorshahan ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda ay Wasaaradda Horumarinta Caddaaladdu siinayso barnaamijyada dib-u-habaynta maxaabiista, iyadoo la adeegsanayo waxbarashada diinta iyo dhiirigelinta si loo kobciyo akhlaaqda iyo wacyiga maxaabiista.