Weedha Daljir: “Waa kuma Sarkaalka ama Askarigga Wanaagsan” By Saalim

0
6

Qore: Saalim A. Wayab

Guusha, nabadgelyada iyo cududda ciidan kasta waxay si weyn ugu tiirsan yihiin dhismaha, anshaxa iyo tayada xubnaha ka tirsan. Haddii uu yahay askari ka hawlgala furimaha dagaalka ama sarkaal hoggaamiya cutubyo ciidan, waxaa jira astaamo muhiim ah oo lagu kala garto askariga caadiga ah iyo kan hantay kalsoonida shacabka iyo madaxda uu hoos yimaado.

Astaamaha Askariga Wanaagsan

1, Adeecidda amarka: Askari wanaagsan waa mid fahma awaamiirta madaxdiisa, kuna fuliya si degdeg ah oo masuuliyad leh, iyadoo la dhowrayo xeerarka iyo nidaamka ciidanka.

2, Anshax sare: Waa Askari ilaaliya xeerarka ciidanka, dhowra sharafta direyska iyo haybadda ciidanka, kana fog dhaqan kasta oo dhaawacaya sumcadda hay’adda uu ka tirsan yahay.

  1. Geesinimo iyo naf-hurnimo: Waa Askari diyaar u ah inuu dalkiisa u adeego, una guto waajibaadkiisa xilliyada adag, isagoo ilaalinaya badbaadada shacabka iyo qaranka.
  2. Amaanada iyo daacadnimada: Waa Askari ilaaliyaa sirta ciidanka, hantida qaranka iyo agabka loo dhiibay, isla markaana daacad u aha waajibaadka loo igmaday.
  3. Jidhdhis iyo adkaysi: Askariga wanaagsani wuxuu leeyahay awood jidheed iyo adkaysi u saamaxaya inuu si hufan u guto waajibaadkiisa.

Astaamaha Lagu Garto Sarkaalka Wanaagsan

Sarkaal wanaagsan Waa hoggaamiye dejiya jihada ciidanka, tusaale wanaagsan u ah askartiisa, isla markaana awood u leh inuu qaato go’aanno mas’uuliyad leh xilliyada adag. Sarkaalka ama askariga, wanaagsani darajo kasta ha haystee, waa qof dhawrsan, daacad u ah dalkiisa, kana fog fal kasta oo dhaawici kara haybadda ciidanka iyo dowladnimada.

Astaamaha Hoggaamiyaha Ciidanka Wanaagsan

Hoggaan muuqda: Hoggaamiyaha ciidanka ee wanaagsan waa sarkaal horseed u ah askartiisa, ficilkiisana ku muujiyo waxa uu ka doonayo kuwa uu hoggaaminayo. Go’aan sugan: Waa mid awood u leh inuu qaato go’aanno adag xilliyada dhibaatada iyo cadaadiska, isagoo tixgelinaya mas’uuliyadda ka dhalan karta go’aankiisa. Daryeelka ciidanka: Waxa uu ka warqabaa baahiyaha askarta ka hoosaysa, sida cuntada, caafimaadka, hoyga, tababarka iyo niyaddooda.

Xirfad iyo aqoon: Waa askari ku baraarugsan muhiimadda adeegsiga aqoonta iyo faham la xidhiidha xeeladaha iyo hawlgallada ciidanka, maamulka iyo adeegsiga qalabka loo igmaday, iyadoo aqoontaas loogu adeegayo danaha qaranka iyo shacabka. Caddaalad iyo sinnaan: Taliye wanaagsan waa ka askartiisa ula dhaqma si caddaalad iyo sinnaan leh, isagoo abaalmarinta iyo ciqaabtaba ku salaynaya waxqabad, anshax iyo xeerarka ciidanka.

Isku soo wada duuboo, ciidan guulaysta wuxuu ku dhismaa askari anshax leh, amar qaate ah isla markaana waajibaadkiisa u guta sida habboon iyo sarkaal aqoon, caqli iyo degganaan ku hoggaamiya. Marka askariga iyo sarkaalku si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda, waxaa dhasha cudud ciidan oo lagu kalsoonaan karo, nidaam dowladeed oo xooggan iyo hay’ad amni oo shacabka u adeegta. Ciidan xooggan kuma dhisna oo keliya hub iyo qalab; wuxuu ku dhismaa anshax, aqoon, daacadnimo, hoggaan wanaagsan iyo masuuliyad qaran.

Qore: Saalim A. Wayab