Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa dil ku xukuntay Anojan Sivarasa oo u dhashay dalka Sri Lanka, kaddib markii uu bishii July baraha bulshada ku daabacay hadal aflagaado ah oo ku saabsan Nabi Muxammad NNKH. Qoraalka ayaa dhaliyay muran iyo falcelin xooggan oo ka dhex dhalatay baraha bulshada iyo Internetka. Inkasta oo Anojan uu si degdeg ah u tirtiray qoraalka, isla markaana uu raalli-gelin ka bixiyay, haddana qoraalka ayaa la keydiyay waxaana loo gudbiyay shirkaddii uu u shaqeynayay iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga. Kiiska ayaa markii dambe gaadhay hay’adaha garsoorka ee dalka, iyadoo Anojan lagu soo oogay dacwad la xidhiidha qoraalka uu baraha bulshada ku daabacay, taas oo ugu dambayn keentay in maxkamaddu ku xukunto dil.
Qoyska Anojan Sivarasa, oo ah 24 jir u dhashay dalka Sri Lanka, ayaa dowladda Sacuudi Carabiya ka codsaday in laga cafiyo xukunka dilka ee lagu riday, kaddib markii maxkamad racfaanku ay ku heshay dambi ah inuu aflagaadeeyay Islaamka iyo Nabi Muxammad NNKH. “Waxaan ka codsanayaa in loo naxariisto khaladaadkii uu wiilkaygu galay. Fadlan cafiya oo dib noogu soo celiya,” ayay tidhi hooyadii, Rasamanickam Yogalakshmi, iyadoo ilmeynaysa. Kiiska Anojan ayaa walaac weyn ka dhaliyay Sri Lanka, iyadoo dowladda, siyaasiyiin iyo kooxo diimeed ay dadaallo diblomaasiyadeed ugu jiraan sidii xukunka dilka looga cafin lahaa.
Hamsidan Sivarasa, oo ay walaalo yihiin dambiilah ayaa sheegay in dadka Sacuudiga aanay markii hore waxba ka ogeyn arrinta, balse dad ku sugan Sri Lanka ay emayllo u direen shirkaddii Anojan uu u shaqeynayay. Shirkadda ayaa markii dambe arrinta u gudbisay mas’uuliyiinta Sacuudiga, kuwaas oo kiis ka dhan ah Anojan diiwaangeliyay. Sidoo kalena mas’uuliyiinta dawladda Sacuudigu waxay xidheen ama tirtireen akoonnadiisii baraha bulshada.
Maxkamadda dambiyada ee Al-Ahsa ayaa markii hore Anojan ku xukuntay shan sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan 3 milyan oo riyaal Sacuudi ah, oo u dhiganta ku dhawaad 800,000 oo doollar, kaddib markii lagu helay dambi la xidhiidha qoraal uu baraha bulshada ku daabacay.
Hase yeeshee, 17-kii Sebtembar ayay dacwaddu qaadatay jiho cusub, kaddib markii xeer-ilaalinta Sacuudigu ay codsatay in Anojan lagu maxkamadeeyo iyadoo lagu saleynayo shareecada, halkii laga adeegsan lahaa sharciga dambiyada internetka. Maxkamadda racfaanka ayaa oggolaatay codsigaas, waxaana xukunkii hore loo beddelay xukun dil ah. In kasta oo maamulka Sacuudigu aanu weli shaacin waqtiga xukunka dilka la fulinayo.
Dowladda Sri Lanka ayaa waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in Anojan laga cafiyo xukunka dilka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay inay qaadayso dhammaan tallaabooyinka ay awooddo si ay u caawiso. Qoyskiisa ayaa 21-kii Sebtembar la kulmay Madaxweynaha Sri Lanka, Anura Kumara Dissanayake, kaas oo ballanqaaday in dowladdu dadaal kasta sameyn doonto. Sidoo kale, Afar qareen oo Sri Lankan ah ayaa sidoo kale u safraya Sacuudiga si ay ula kulmaan qareennada maxalliga ah ee gacanta ku haya kiiska, una qorsheeyaan tallaabooyinka sharci ee xiga.
Dhanka kale, qoyska Anojan ayaa sheegay in aanay in muddo ah la xidhiidhin wiilkooda, waxanu sheegay Hamsidan oo ay walaalo yihiin ninka dilka lagu xukumay aanu qoyska soo wicin tan iyo 28-kii September, iyadoo safaaradda Sri Lanka laga codsaday inay xaaladdiisa hubiso. Kiisku wuxuu sidoo kale dib u soo nooleeyay walaaca hay’adaha xuquuqda aadanaha ee ku saabsan xukunnada adag ee Sacuudiga lagu rido dadka lagu eedeeyo qoraallo ay ku faafiyaan baraha bulshada. Qoyska Anojan iyo dowladda Sri Lanka waxay hadda rajeynayaan in dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ay horseedi doonaan in xukunka dilka laga noqdo ama loo beddelo xukun kale.




















