Qofka sharafta leh maaha kan haysta hantida, shahaadooyin sare, ama Qasri weyn, mana aha hal-xidhaale aan la garanayn qof uu yahay.
Laakiin waa qofka deggan oo ku shaqeeya wacyi, ku hawlgala niyad xor ah, isla markaana leh dareen weyn oo masuuliyadeed.
Sharaftu waa darajooyin kala sareeya oo kala mudan:
Waxaa jira nin naftiisa dhisa, nin carruurtiisa dhisa, nin bulshada dhisa, iyo nin taariikh dhisa oo Sameeya kan ugu dambeeya waa ka ugu sharafka badan dhamaantood.
Haddii aad rabto inaad ogaato inta aad Sharaf iyo qadarin leedahay, weydii naftaada maalin kasta: “Maxaan Sameeyaa maanta si aan uga wanaagsanaado shalay?” Dr. Mustafa Mahmoud

























